Dacwad lagu soo oogay sii-haayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dacwad heer Maamul ayaa lagu soo oogay Wasiirka Maaliyadda Xukuumaddii la riday C/raxmaan Ducaalle Beyle, waxaana kiiskiisa loo gudbin doonaa Maxkamadda sare ee dalka.

Ururka Qareenadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beyle uu soo saarey warqad aan sharci ahayn 20-kii bishan, taasoo uu ku shaaciyay in lacag laga qaadi doonaa qareen walba iyo dadka ay u doodayaan, ee dacwadda ka furanaya Maxkamadaha.

Abukaate Cali Xalane, oo afhayeen u ah Ururka Qareenadda ayaa ku tilmaamay nidaamka ajuuradda Maxkamadaha ee uu soo saarey Beyle uusan sharci ahayn, maadama laga rabey inay soo saarto Wasaaradda Garsoor, lana marsiiyo Gollaha Wasiiradda iyo Baarlamanka.

Afhayeenka ayaa xusay inay Dacwad maamul ay ka gudbinayaan sii haya Wasiirka Maaliyadda iyo warqadda uu soo saarey, isagoo hoosta ka xariiqay in qorshahan uu yahay mid albaabada u furayo musuq-maasuq inuu ka dhaco qeybta Garsoorka dalka.

Qareennada waxaa lagu soo rogay inay sameystaan aqoonsi ama ruqsad, iyagoo bixinaya $500, waxaana lagu cusbooneysiinayaa sanad walba $300, waxaa intaasi dheer in dacwadda Madaniga ah qofkii furanaya laga rabo $200.

HALKAN HOOSE KA AKHRI WARQADDA BEYLE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM