​Dadkii lagu dilay Bariire oo la aasay

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu aasay magaalada Muqdishu 10-kii qof oo Lix maalmood kahor lagu dilay weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Aaska waxaa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia iyo ehelada Dadka dhintay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda ay balan-qaadey inay bixiso magdhowga 10-kaasi qof, waxaana mid walba dadkiisa la siin doonaan $70,000 (Todobaatan Kun oo Doolarka Maraykanka) oo Diyo ah.

Meydadka ayaa mudo lix bilood ah ku jiray Firinjiyeer, waxaana Beelaha ay kasoo jeedaan ay cadaadis ku saareen dowladda inaysan aasi doonin Meydadkan dadkan illaa ay ka bixiso Lacag Magdhaw ah.

"Dadkan waxay ku dhinteen qaab kama ah, waxaana ku heshiiyeen dowladda, Xildhibaanada ay kasoo jeedaan iyo Eheladooda in la aaso, kadibna laga wada hadlo Magtooda," ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon.

Lix kamid ah 10-ka ruux waxay ka dhasheen beesha Habargidir, waxaana dowladda Federaalka wadaa baaritaan ku aadan wararka sheegaya inay katirsanaayeen Al shabaab iyo inay shacab ahaayeen.

Gudiga dowladda u xilsaarey Baaritaanka weerarkii Bariire 25-kii bishan maalin Jimco aheyd, weli warbixintiisa looma fahfaahin shacabka, balse waxaa la filayaa inay waqtiyada soo socda la baahiyo.

Dhacdadii Bariire ayaa Dadka Siyaasiyiin ah, oo kasoo horjeeda waxay ka dhigteen Hub ay ku dagaal-galaan dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay billaabeen kicinta Beelaha dadkaasi laga dilay, oo u badan Beesha Habargidir.

Waxaa ka dhacay Somalia labadii sano uu ugu dambeeyay weeraro badan, oo Diyaaradaha Mareykanka iyo Kenya ay ka fuliyeen dalka, kuwaasi oo lagu laayay shacab badan oo Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM