Dagaal afka ah oo ka dhex-qarxay Fiqi iyo Xoosh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, Cabdi Xoosh Jibriil ayaa soo bandhigay muuqaal uu kasoo muuqday Xilldhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo ah Xoghayaha Xisbiga Daljir, islamarkaana kamid ah Gollaha Sacabka Soomaaliya.

Muuqaalka Axmed Fiqi oo la qabtay 2016-kii ayaa wuxuu si kulul uu ugu eedaynayaa dowladii waqtigaasi jirtay oo uu hogaamiye ka ahaa Xasan Sheekh, isaga oo ku eedaynaya musuq-maasuq baahsan, xili uu ku sifeeyay madaxdii waagaas "Tuugo".

Xoosh ayaa isbarbardhig ku sameeyay hadal-jeedinta uu xiligaasi sameeyay Fiqi, oo uu ku weeraray maamulkii Xasan Sheekh, iyo inuu haatan Xilldhibaanka uyahay Xasan Sheekh mid u olalaynaya inuu mar kale kusoo laabto Kursiga Villa Soomaaliya.

Fiqi uu kasoo jawaabay dhaliilaha iyo muuqaalka uu soo bandhigtay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in musuqii uu waagaasi ka qaylinayay uu ka "xun yahay midka haatan jira, oo uu iska indha tirayo Wasiir Xoosh".

"Musuqa aan waqtigaasi ka hadlayey waxaa ka xun midka hadda dalka ka jira, oo uu iska indha tirayo Wasiir Xoosh, oo isagaba Ajnabi u gacan geliyay Dastuurka, taasoo aanan jirin musuq-maasuq ka wayn," ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu boggiisa Facebooka soo dhigay.

Dagaalka afka ah ee ka dhex-qarxay Xilldhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, Cabdi Xoosh Jibriil ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili haatan uu socday guux siyaasadeed oo ku aadan in la dhisayo Isbaheysi wayn oo mucaarad ah, kaasoo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin saaxafada siyaasada dalka saamayn ku leh.

Fiqi oo kamid ah xubnaha sida wayn u dhaliila dowladda uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa kamid ah siyaasiyiinta Xisbiga Daljir kuwooda ugu magaca wayn, islamarkaana qayb ka ah Isbaheysiga wayn ee dhowaan lagu dhawaaqayo.

Cali Yare, oo kamid ahaa dhalinyaradii ka qeyb-qaatey Ololihii doorashada Farmaajo 2016, islamarkaana hadda kamid ah ragga ku xiran Villa Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku difaacay Wasiir Xoosh, isagoo eedeyn ugu jeediyay Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa Cali Yare ugu jawaabey: "Maanta ayay ka xun tahay Cali Yare ee midkaas waa laga yimide, midka maanta jira ee dawladnimada iyo hey'adihii dawladda lagu burburinayo ayaa ka hadal nooga baahan, inaad wax la soo dhaafey umadda ku mashquuliso oo waxa jira aad nooga leexiso ma dhaceyso". 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM