Dagaal ka dhacay gobolka Baay iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

DIINSOOR, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka, oo ay wehliyaan kuwa Koonfur Galbeed oo Howlgal si wadajir ah uga fulinaya duleedka Magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa la kulmay weerar gaadmo ah oo Shabaab uga yimid.

Weerarkaan ayaa waxaa ka dhashay iska hor-imaad kooban, kaasoo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kaasoo inta badan soo gaarey Al-Shabaab, sida ay sheegteen masuuliyiinta gobolka.

Mas'uul ka tirsan gobolka oo diiday in la adeegsado magaciisa sababo ku aadan inaan loo ogoleen inuu warbaahinta u waramo ayaa Garowe Online u sheegay inay ku dileen dagaalka saddex Al-Shabaab kamid ah, kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Wuxuu daboolka ka qaaday in wax khasaaro ah uusan dhankooda kasoo gaarin Iska horimaadka, xilli wararka madaxa banaan ay xaqiijinayaan inay jiraan khasaaro dhanka ciidanka dowlada soo gaarey.

Al-Shabaab wali wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Misir, ee duleedka magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, oo maamul ahaan hoos timaada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Diinsoor, oo qiyaastii 400-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ayaa waxay kamid tahay degmooyinka ay go'doomisay Al-Shabaab, iyadoo go'doominta ka dhalatay sicir barar iyo dhibaatooyin kale oo dhanka nolosha ah.

Dagaalka maanta wuxuu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii u dambeeyay Koonfur Galbeed ay waday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, oo hadda ku xoog badan dhulka baadiyaha ah iyo tuulooyinka yar-yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM