Dagaal xoogan oo ka qarxey magaalda Muqdishu

Image

Dagaal saaka 15 August,2014 ka dilaacey magaalada Muqdishu ayaa waxaa ku dhintey 15 qof halka dhaawaca gaarayo Labo iyo toban qof sidas waxaa saxaafada u sheegey hay'adaha caafimaadka.

Dagaalkaan ciidamada Somalia oo tageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxey ku qaadeen guri uu leeyahay gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir islamarkaana horey uga mid ahaa dagaal ogayaasha Muqdishu Axmad Daaci.

Dagaalkaan ayaa daba-socdey qorshaha hub-ururinta dowlada Federaalka maalmihii ugu dambeeyey ka sameynaysay magaalada Muqdishu kaasoo ku aadan dagaal ogaayaasha iyo hubka sida gaarka loo leeyahay, waxaana dagaalkaas lagu qabtey koox kamid ah dagaal oagaha maleshiyadkiisa iyada oo aan la aqoon halka uu jaan iyo cirib dhigey Axmad Daaci.

Weerarkaan ayaa dhinaca kale daba socdey olole hub-ururin ah oo ka socdey magaalada Muqdishu asbuucii la soo dhaafey kaasoo dowlada Federaalka sheegtey in hub gaaraya 500 qori iyo rasaas farabadan lagu qabtey.

Barlamanka dowlada Fedraalka Somalia ayaa dhowaan ansaxiyey sharci fasaxaya in hubka sharci darada ah laga wareejiyo gacanta shacabka kaas oo galey 20 sano ee dagaalka sokeeye uu ka socdey Somalia gaar ahaan Koonfurta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM