Dagaalamayaal Al-Shabaab ah oo ku leeday qarax ay diyaarinayeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalamayaal Al-Shabaab ah ayaa Arbacada maanta ah lagu waramay in ay ku geeriyoodeen qarax gaari oo ay ku maleegayeen gobolka Gedo ee hoostaga maamul goboleedka Jubaland.

Qaraxa oo jugtiisa ay cusleyd ayaa saaka ka dhacay degaanka Meykaarabay oo qiyaastii 25 KM dhanka koonfur ka xiga magaalada Garbahaarey.

Muxumed Cabdi Jaamac, taliye ku xigeenka saldhiga magaalada Garbahaarey oo xaqiijiyey dhacdadaas, ayaa ka gaabsaday tafaasiil dheeriya.

"Markii aan maqalnay qaraxa, waxaan tagnay goobta, waana ay kasii carareen," ayuu yiri, isagoo diidey in uu carabaabo khasaaraha saxda ah.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa tibaaxaya in maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ay rabeen in ay qaraxa u gudbiyaan goob kale.

Xogta laga helayo mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa intaas ku dareysa in xubnaha Shabaabka ee ku naf-waayey dhacdadaas ay gaarayaan shan.

"Gaariga qaraxa lagu diyaariyey wuxuu ka yimid dhanka magaalada Jilib," ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, oo intaas ku daray "Waxaa isla goobta dhaawac ahaan looga qaadey laba dagaalame kale".

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaraxaan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab, oo looga bartay in aysan ka hadlin waxyeeladda soo gaara.

Dhowr jeer ayay horey u dhacdey in xubno Al-Shabaab ah ay ku naf-waayaan qaraxyo ay u diyaariyeen in ay ku beegsadaan ciidanka dowladda.

Degaanka Meykaarabay ayaa ah tuulo aysan joogitaan rasmi ah ku lahayn ciidamadda dowladda iyo ururka Al-Shabaab, hase ahaatee, waxaa ay tagaan xiliyadda ay damacsan yihiin qorsheyaal amni oo howlgalo kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM