Dalal shisheeye oo lagu eedeeyay farogelinta doorashadda Jubbaland

Soomaliya
By WARIYAHA KISMAAYO , GAROWE ONLINE
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaleeceeyay in ay dhinac gaar ah cadaadis saareyso.

KISMAAYO, Jubbaland - Xildhibaano ka tirsan labadda dal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay war kasoo saareen doorashadda Jubbaland.

Mudaneyaasha ayaa ugu horeyn waxay ku ammaaneyn guddiga doorashooyinka maamulkaasi nidaamka ay u wadaan coddeynta.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku eedeeyeen farogelin ay ku hayso doorashadda oo qayb ahaan ay qabsoontay.

Sharcidejiyeyaasha ayaa cambaareeyay "gacma gacmeyn" ay dalal shisheeye ku hayaan geedi u socodka doorashadda, wallow aysan shaacin magacyadda wadamada.

Sidoo kale, sidda ku cad war qoraal ah oo ay soo saareen, beesha caalamka ayaa waxay ku dhaleeceeyeen in ay dhinac gaar ah ay cadaadinayaan.

HOOS KA AKHRISO WARKA QORAALKA

GAROWE ONLINE