"Daldalooda" hanaanka lagu raadinayo metelaada gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hanaanka hadda lagu raadinayo metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare uma ogolaaneyso shacabka degaanka ku ah in ay soo xushaan hogaanka iyo wakiiladooda, sidda uu sheegay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa xoojiyey dooda ku saabsan in la helo maqaamka caasimadda kahor inta aanan laga doodin ama la helin metelaada.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo baraha bulshadda qoraal soo dhigay ayaa tusaale ahaan u soo qaatay caasimada Mareykanka.

"Shalay Aqalka Mudanayaasha Maraykanka wuxuu meel mariyey sharci Washington oo ah caasimadda dalkaas looga dhigayo dawlad goboleed (State)-ka 51-aad ee Maraykanka," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyey: "Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 9-aad wuxuu dhigayaa in labada aqal ee Baarlamaanka ay soo saaraan sharci qeexaya maqaamka caasimadda".

Sidoo kale, dastuurka wuxuu xeerinayaa in xubnaha Aqalka Sarre ay yihiin 54 xubnood, oo metela dowlad goboleedyadda, hadii loo baahdana in wax ka bedel lagu sameeyo ay ka heshiinayaan dowlada iyo maamulada.

Madaxda dowlad goboleedyadda, siyaasiyiinta iyo saamileyda kale ayaa aad uga soo horjeeda hanaanka hadda lagu goobo metelaada gobolka.

"Waxaan ku talinayaa xoogga lagu raadinayo metelaad aan maqaam laheyn, ha lagu raadiyo maqaamka Caasimadda. Haddii kale waxay ku danbeyn doontaa in cidda haatan soo magacawda guddoomiyaha Gobolka ay iyadu hadhow qaybinta iyo magacaabista yeelan doonto," ayuu Warsame raaciyey.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaa hadda soo magacaaba madaxweynaha, isagana ayaana saameyn ku leh soo xulida Xildhibaanada, taas oo u sahleysa in uu soo xusho koox isaga daacad u ah ama taabacsan.

Baarlamaanka federaalka ah ayaa cod u qaadaya xeerka metelaada gobolka Banaadir kaasoo soo jeedinaya in gobolka uu Aqalka Sarre ku yeesho todoba xubnood, balse xubno soo jeediyeen in 13 laga dhigo.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa gedaalka riixeysa hindisahaan, waxaana ay qayb ka tahay ololaha doorashadda soo aadan ee Farmaajo.

Doodda ku saabsan metelaada gobolka Banaadir oo sanadihii lasoo dhaafay soo taagneyd ayaa ayaa lasoo hadal-qaadaa dhamaadka muddo xileedka dowladda, waxayna noqotay arrin ay siyaasiyiinta kusoo jiitaan dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM