Dalxa oo soo bandhigay qaladaadkii gudoonka BF ee kulankii Sabtida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadkaan hadalhaynta ugu badan ee siyaasada Soomaaliya waxay tahay buuqii iyo sawaxantii hareeyay fadhigii Golaha Shacabka ee baaqday Sabtidii.

Kulankaasi oo lagu su'aalo waydiin lahaa hay’addaha amaanka ayaa waxay isku qabteen mudanayaasha joogitaanka kulanka ee warbaahinta xorta ah.

In ka badan 100 xildhibaan ayaa ogolaatay in saxaafada dibada loo saaro, tirro kale oo 40 ka badan ay kasoo horjeesteen.

Sharcidejiyaasha doonaya war-fidiyeenka ayaa kolkii dambe qiil ka dhigtay in qodobkaasi uusanba kamid ahayn ajendaha.

Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ahaa mudanayaasha fadhiga joogtay ayaa sharaxay sidii ay wax u dhaceen.

"Mudanayaasha kasoo horjeestay in warbaahinta dibada loo saaro, waxayba ku qaldanaayeen in ay yiraahdaan cod haloo qaado arrintaan," ayuu yiri.

Sidda uu qabo xeer-hoosaadka Aqalka Hoose marka ajende cusub lagu soo darayo kulanka waa in ay soo jeediyaan ku dhowaad 10 mudane kadibna cod loo qaado.

"Taasi ma aysan dhicin, wuuna ku qaldanaa gudoonka Aqalka," ayuu Professor Dalxa u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Shacabka oo ka fal-celiyay dhacdadaan ayaa ku dhaliilay xubnaha Sharcidejinta ay qabeen mas'uuliyadooda ayna baajiyeen kulan muhiim u ah amaanka qaranka.

"Markii laga aqlabiyad batay kuwii rabay warbaahinta ma aysan ahayn in uu gudoonka ku dhawaaqo … waxay ahayd in uu waydiiyo xildhibaanada kasoo horjeeda … taasoo aanan dhicin, wuuna ku qaldanaa," ayuu xusay.

Jahwareer iyo fara isku taag-taag daqiiqado qaadatay kadib, Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa soo xiray kulanka.

"Fadhiga mid muhiim ah ayuu ahaa … wuuna ku qaldanaa gudoomiyuhu in uu ku dhawaaqo in uu xirmay kulanka," ayuu hadalkiisu daba dhigay Xildhibaan Dalxa.

Dadka naqdiya siyaasada Mursal ayaa rumeysan in uu u jaran-jeero dhanka xukuumada, isla markaana uu fuliyo danaha dowladda iminka jirta oo kaliya.

Maalinta Arbacada ah ee todobaadkaan ayaa la dhowrayaa sida uu xaalku noqdo, maadaama sida cadaadahba Aqalka Hoose uu shiro todobaadkii saddex jeer.

Tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka kaliya hal fadhi ayay mudanayaashu si rasmi ah u qaataan, taasi oo ka dhigan in saddex kamid ah ay u baaqdeen is-fahan daro dhexdooda ah.

Arrimahaan oo idil ayaa kusoo aadaya iyaddoo Kal-fadhigaan uu yahay mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan Golaha Wakiilada ayna horyaalaan shaqooyin muhiim ah sida; amniga, doorashooyinka 2020-21, argagixisada iyo musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM