Danjirihii Soomaaliya ee Ciraaq oo ku dhintay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjirihii Soomaaliya u qaabilsanaa waddanka Ciraaq dowladdii kacaanka, Ciise Cali Maxamed [Ciise Dheere], ayaa lagu waramay in saaka uu ku dhintay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xanuun-sanayey, sidda ay xubno ka tirsan qoyskiisa u xaqiijiyeen Garowe Online, wallow ay ka gaabsadeen in ay bixiyaan tafaasiil oo la xiriira cudurka uu la daalaadhacayey.

Mid kamid ah qabuuraha magaala madaxda ayaa qorshuhu yahay in lagu aaso isla maanta, wallow aan la ogeyn hadii ay madax ka qeyb-galeyso.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo axaabtiisa ayaa fariimo tacsi ah waxay baraha bulshadda ugu direen ehelkiisa.

Sidda laga soo xigtay dadka isaga yaqaano, Ciise Dheere ayaa in muddo ah ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada federaalka.

Sidoo kale, wuxuu ahaa lataliye sarre iyo diblumaasi oo arrimaha Carabta kala talin jiray madaxdii xiligaas "maadaama uu ku xeel-dheeraa".

Bishii lasoo dhaafay ee May 10-keeda ayay ahayd markii uu geeriyooday Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys, safiirkii Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhaxeysay 2016-2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM