Dowlada Federalka & maamulka Jubaland oo kawada hadley Bardhere

Image

21 August,2015 (GO)- Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil "Fartaag" siihayaha xilka madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Radio Jubbaland ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey kulamo ay la qaateen wasiirka difaaca xukuumadda Somalia Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo xubno ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Farataag ayaa sheegay in kulamadii laqaateen wasiirka difaaca dowlada Federaalka in ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan, isla markaana socodkooda uu ku qotomay sidii wax badan uga ogaan lahaayen xaaladda guud ee degmada Baardheere.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu si buuxda u cadeeyey in wafdiga wasiirka dowlada Federaalka, AMISOM iyo Jubbaland ugu dhawaaqeen in si rasmi ah loo furey garoonka diyaaradaha Baardheere oo xirnaa muddo ka badan ilaa 10 sanno.

Waxaa uu sidoo kale Farataag ka hadlay kulamo ay Baardheere kula qaateen wafdigii ka socday Qaramada Midoobey ee dhowaan gaaray magaalada Baardheere.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM