DEG DEG: Shirkii Gollaha Shacabka oo fashil kusoo dhamaadey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa qabsoomi waayay kulankii 3aad ee Kalfadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka, kaasoo fashil kusoo idlaadey kadib markii buuq iyo sawaxan hareeyay Hoolka shirka.

Fashilka ayaa yimid kadib markii Xildhibanada isku khilaafeen in kulanka laga dhigo mid albaabada u xiran oo saaxafadda banaanka looga saaro iyo in laga si furan oo warbaahinta goobjoog ka tahay su'aallo loo waydiiyo wasiiradda difaaca iyo amniga.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay kulankii maanta, oo u qabsoomi waayay fowdo iyo buuq ay sameeyeen Xildhibaanada mucaaradka.

Fadhigii maanta ayaa ahaa mid aad loo sugayay, oo todobadkii tagey looga wacay Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga oo Xildhibaano ay mooshin ku dalbadeen in looga yeero Gollaha, si amniga faraha ka baxay su'aallo looga waydiiyo.

Baaqashada kulanka ayaa yimid kadib markii xalay Gollah Wasiiradda, oo badankood Xildhibaanno yihiin ay shir degdeg ah ku yeesheen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM