Deni oo balanqaad u sameeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Puntland ayaa diyaar u ah in ay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ku taageerto wax walba oo uu sharci u leeyahay, sidda uu balanqaadey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo Khamiista maanta ah booqdey xarunta Senate-ke ee magaalada Muqdisho Muqdisho lana kulmay Guddiga joogtada ah ayaa sameeyay hadal-jeedin uu kusoo qaadey xaalada siyaasadeed ee waddanka.

Booqashadiisa xarunta golaha ayuu ku nuux-nuuxsaday in ay caddeyn u tahay muhiimadda uu Aqalkan u leeyahay dowladda Puntland".

"Waxaana balanqaadeynaa in aan Aqalkaan garab u noqono wax walba oo uu sharci u leeyahayna aan gacan ku siino, waan dareemi karaan in marka xaalada siyaasadeed ay cakiran tahay in xadgudubyo sharci ay dhacaan, laakiin waxaan marna suurtagal ahayn, sharci siyaasiya looga heshiiyey, in dib looga noqdo, taasi waa adag tahay; kaasi wuxuu dhaacayaa wixii lasoo qabtay. Umaddi waxay kuwada joogtaa waa heshiis bulsho oo uu aas-aas u yahay dastuurka inta hadda noo taala," ayuu carabka ku adkeeyay madaxweyne Deni.

Shuruucda la isku khilaafsan yahay ayuu soo jeediyey in wadahadal xal looga gaaro lana dhaqan-geliyo maalinta lagu heshiiyo, iyaddoo cid walba oo dood ka qabto ay dib u eegistiisa u mareyso nidaamka xeer-dejinta.

Maadaama ay tahay maamul xasiloon isla markaana 22-sano jirsaday, Puntland ayuu ka dhawaajiyey in ay xil gaar ah iska saareyso ilaalinta sharciga "wakiilna uga tahay" cid kasta oo aan firaaqo u ahayn ilaalinta heshiisyadda.

"Waa shaqo dheeri ah oo aysan gaar u lahayn, laakiin ay mudan tahay mar-xaladaan in ay qaado, maadaama state-yadda kale ay inaga dambeeyeen culeyso badan ay haystaan oo dhinacii maamulka dhisidiisa ah, amnigii ka shaqeyntiisa ah. Marka hadii marar badan la arko Puntland oo intaas qodob dastuuri ah haysata ama ku andacooneysa ma ahan dastuurka iyo sharciga ay dadka ka xigto laakiin firaaqo iyo waqti baan u haynaa ugana fekerno ugana hadalno marka taas waxay noqoneysaa in aan wakiil uga nahay cid kasta oo Soomaaliyeed oo sharcigaas heshiis ka gashay oo aan markaas oo aan ka haansho u haynin," ayuu yiri.

Isagoo Aqalka Sare ku bogaadiyey shaqada uu qabtay mudada kooban ee uu jiray, kana rajeeyay in ay sii laba jibaaraan, Puntland ayuu cod dheer ku qeexay in ay "waddo sax ah marin doonto wax kasta oo ay ka tabaneyso".

"Baarlamaanka waa xeer-dejin, laakiin hadana waa Hay'ad siyaasi ah oo la rabo in ay door ka qaadato maraaxisha siyaasiga ah ee la dalka marayo," ayuu xusay, isagoo kalsooni ka muujiyey in golaha qeyb ka noqdo xal u helida arrimaha siyaasadeed ee ku geedaaman doorashooyinka 2020-21.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ay baabi'iso kaalinta dastuuriga ah ee Aqalka Sare, iyaddoo si cad ula safatay Golaha Shacabka, kaasoo kala shaqeynaya maalinta shurucuda ay rabto iyo muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM