DF amar kusoo rogtey garoomada maamulada xili uu Khilaaf jiro [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] ayaa shaaca ka qaaday in garoomadda diyaaradaha maamulada aysan ka degi karin diyaarad caalami ah oo aanan Wasaaradiisa ogolaansho ka haysan.

Magaalooyinka gaar ee maamuladda ayuu qiray inay haatan ka degaan diyaarado caalami ah, laakiin aysan badneyn, isagoo cadeeyay in diyaaradaha haatan duulimaadka ku taga caasimadaha maamullada ay yihiin kuwa ruqsad ka haysta Wasiiradda.

Shuruudo u degan Hay'addaha Duulista Hawada ayuu tilmaamay Wasiirka in looga baahan yahay diyaaradaha codsiga soo gudbisanaya inay soo buuxiyaan, waxaana uu xusay in DF aysan ogolaansho siinin doonin shirkadii aanan shuruudaha soo buuxin.

Wasiirka oo wareysi siiyey VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka ay kaliya awood u leedahay bixinta Ruqsada ay diyaarado caalami ah ugu degi karaan garoomada diyaaradaha ee maamul goboleedyadda.

"Way jiraan diyaarado caalami ah oo haatan ka dega magaalooyinka qaar ee maamulada, tusaale ahaan Kismaayo, kuwaasina waa kuwa ogolaansho ka haysta Wasaarada. Ma jirto cid kale oo bixin karta oo aanan inaga ahayn," ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadayaa xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulladda dalka, kuwaasoo dhowaan kaga dhawaaqay Kismaayo inay hakiyeen wadashaqayntii kala dhaxeysa Villa Soomaaliya.

- Shirka Canada -

Wasiirka oo ku sugan Canada ayaa uga qaybgalay magaalada Montreal ee dalkaasi kulan ay yeesheen mas'uuliyiin ka socotay hay’adda ICAO, oo duulimaadka u qaabilsan Qaramadda Midoobey, taasoo in ka badan 20 sano soo maamuleysay hawada dalka.

Isaga oo fahfaahin dheeri ah ka bixinaya ujeedkooda socdaalka ayuu Wasiir Oomaar daboolka ka qaadey inay salka ku hayso is xog-wareysi ku saabsan halka uu marayo heshiis ay dowladda la gashay ICAO, kaasoo maamulka hawda Muqdisho loogu celiyey.

"Ujeedka aan halkaan ujoogno waxay tahay sidii aan mas'uuliyiinta ICAO ugala hadli lahayn waxyaabaha ka qabsoomay heshiisyo aan horey uwada gadlnay iyo dhaqaalaha ku baxday in maamula hawada dalka lagu soo celiyo," ayuu Wasiir Oomaar tibaaxay.

Horaantii 2018 ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah maamulka hawada dalka dib ugu soo celisay, xili laga soo wareejiyey caasimada Kenya ee Nairobi, halkaasoo tan iyo markii uu dalku ka qarxay dagaalka sokeeye laga maamulayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM