DF: Talaabada Kenya ee arrimaha duulimaadka waa mid siyaasadeysan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa waxay si adag u dhaliishay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadka tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Xukuumadda ayaa waxay ku tilmaamtay talaabadaasi mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ku sifeysay go’aanka qar iska tuurnimada ee Kenya "mid siyaasadeysan oo aan u fiicneen xiriirka derisnimo".

Bayaan kasoo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in ay xiriir la sameyn doono hay’addaha ku shaqada si ay talaabada ku haboon uga qaadato.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku tartarsiisay Kenya in ay dib uga noqoto go’aankaasi oo carqalad u ah isu socodka iyo ganacsiga ka dhaxeeya labada Ummaddood.

Khamiistii ayay ahayd markii Hay’adda Socdaalka Kenya ay fartay dhamaan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho ay soo maraan garoonka Wajeer, si halkaasi loogu sameeyo baaritaano amni.

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada Soomaaliya, ayaa meesha ka saarey sheegashada Kenya ee hubinta dhanka amaanka, isaga oo tibaaxay in ay jiraan sababo kale oo ku dhiirogeliyey, wallow uusan cayimin.

WAR-SAXAAFADEED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM