DF oo dalab culus u dirtay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka ciidamada ku taageeray howlgalka nabad-ilaalinta wadanka in ay askartooda u diyaariyaan guluf horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Agaasimaha warfaafinta xafiiska Madaxwayne Farmaajo ayaa u sheegay wariyaasha in xukuumada Muqdisho ay uga baahan tahay taliska midowga Afrika taageero ka duwan tan ay haatan la garab-taagan yihiin.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa shaaciyay in DFS ay ka go’an tahay in laga adkaado "kooxaha argagaxisada ah" kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay kasoo horjeeda nabada iyo horumarka dalka.

Farmaajo ayaa intii uu ku jiray ol'olaha doorashadii uu kusoo baxay 8-dii Febraayo 2017-kii wuxuu balanqaaday in uu Shabaab dalka uga saarayo muddo labo sano, taasi oo maamulkiisa uu ku fashilmay.

Arrimaha kale ee uu wacadka ku maray waxaa kamid ah in uu isla mudadaasi wadanka uga saarayo ciidamada shisheeye, ayna la wareegi doonaan amaanka guud ee wadanka ciidamada xooga wadanka.

Hasa yeeshee, labo sano wali waxaa muuqata in inyar mooyee aanu wax badan ka qaban balanqaadyadiisa oo ay kamid ahayd amniga, jidadka oo aan la xirin iyo in askarta ay si joogto ah u helaan mushaarka.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada Somalia aanu wax mushaar ah helin bishii hore, marka laga reebo qaarkood mooyee, iyaga oo tani ay u wacan tahay qarashka dowlada aan hay’addaha kale ka badneen.

Wasiirka Maaliyada, C/raxmaan Bayle ayaa qiray in loo baahan lacago dheeraad ah, markii uu ka dhawaajiyey in kaliya bishii ay dowladdu hesho 14 milyan, loona baahan yahay 20 milyan si 8-da milyan mushaar looga dhigo ciidanka.

"Gacansatada Soomaaliyeed waa in ay bixiyaan lacagta si ay sare ugu koco dakhliga xukuumada," ayuu Wasiirka hadalkiisa kusii daray, isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id todobaadkii hore.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan caasimada Burundi halkaasi oo uu tegay isbuucaan wuxuu cod dheer ugu baaqay dalalka ciidamada ku leh AMISOM in loo midoobo gulufka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Ku dhowaad 1,000 [kun] kamid ah askarta Burundi ayaa la filayaa in wadanka ay ka hayaamaan horaanta sanadkaan, taabo ay xukuumada dalkaasi kasoo horjeestay balse ugu dambeyntii lagu qanciyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM