DF oo faragelin ku haysa HirShabelle kadib taageerada baaqii Aqalka Sare

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay faragelin kuwaddaa arrimaha gudaha maamul goboleedka HirShabelle kadib markii uu taageeray baaqii kasoo baxay Aqalka Sarre.

Xukuumadda dhexe ayaa dibadbaxyo iyadda lagu taageerayo ka abaabuleysa degaano ka tirsan ismaamulka, taas oo dhinac-marsan talooyinka caafimaad ee looga hortagayo faafitaanka safmarka Covid-19.

Meelaha isku dayga banaanbaxa uu ka dhacay waxaa kamid ah Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan, hase ahaatee, dadkii lasoo abaabulay waxaa kala eryay ciidamadda amniga oo aan xadgudub geysan.

Mas'uuliyiinta oo kala eryida sharaxaad ka bixiyey ayaa cuskaday Coronavirus iyo mudaaharadayaasha oo aan wadan af-xirka. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo magaalada jooga ayaa "amray kala eryidda".

Isla maanta oo Jimce ah, waxaa Beledwayne ay ciidamadda kaga hortageen isu soo bax kale oo taageero loogu raadinayey Dowladda Federaalka. Wariyeyaal iyo mas'uuliyiin hore oo goobjoog ahaa baa "la xiray".

Geelle Isaaq Warsame, wasiir ku xigeenkii amniga HirShabelle oo abaabulka banaanbaxa qayb ka ahaa isla markaana u muuqday in uu la safan yahay dowladda, ayaa sheegay in uu xafiiska baneeyay.

Sababta uu isu casilay ayuu ku tibaaxay is hor-taagga lagu sameeyay dibadbaxa. Laamaha ammaanka wali ka jawaabin eedeyntiisa.

Warsame oo sidoo kale ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa ku eedeeyay Waare in uu ishortaag ku sameeyay isu soo baxa. Wariyeyaasha iyo mas'uuliyiinta hore ayuu ka dhawaajiyey in ay wali jeelka ku jiraan.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajaheysa eedeymo ku saabsan; faragelinta maamuladda, ka abuurista khalkhal amni, u adeegsiga awood ciidan iyo wadashaqeyn la'aan.

Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay wadahadalo ay madaxda dowladda iyo maamuladda yeeshaan ka hor 25-ka June "si loo helo hab la isla ogol-yahay oo doorashadda lagu galo".

Xisbiyadda mucaaradka ayaa xukuumadda federaalka ah uga digay in ay faragaliso go'aanka Aqalka Sarre iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda soo dhaweeyay baaqaas.

Dastuuriyan Senate-ka wuxuu metelaa danaha maamuladda. Coddeynta 2020-21 wuxuu qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod balse waxaa la geliyey shaki sababo ku aadan "khatarta Al-Shabaab iyo diyaar-garow la'aan"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM