Habraac loo dejisay doorashooyinka maamulada xili uu khilaaf jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumada federaalka ah ayaa soo saartay mabaadi'da iyo habraac ay sheegtay in loo marayo doorashooyinka maamul goboleedyadda dalka.

Sidda ku cad qodobka labaad, Xildhibaanada cusub waxaa si madax banaan u soo xulaya odayaasha dhaqanka beelaha ay kasoo jeeda tartameyaasha kursigaasi doonaya.

Tani waxay kasoo horjeedaa qorshe cusub oo Guddiga doorashada Jubbaland uu wado oo ah in Xildhibaanada cusub ay iyaga soo xulaan, iyaga oo mid kala baxaya saddex ruux oo ay odayaasha soo saaraan.

Qodoba 12aad ayaa xeerinaya in wasaaradda ay iyadda oo kaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqi karto natiijada kama dambeysta ah ee doorashada iyo in korjoogto caalami ah iyo kuwa maxali ah goobjoog ahaadan.

Habracaan kasoo baxay wasaaradda ayaa wuxuu kusoo aadaya iyada oo aan wali la xalin khilaaf u dhaxeeya maamulada qaar iyo dowladda federaalka oo "farogelin guracan lagu eedeeyay".

Madaxtooyadda ayaa aad ugu mashquulsan sidii ay uga takhalusi lahayd madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaasi oo xusul-duub ugu jira in uu difaacdo kursigiisa.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa raadineysa doorasho waqtigeeda laga soo horumariyey oo ka qabsoonto Galmudug, taasi oo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] uu ka biyo diidan yahay.

Doorashada Jubbaland oo loo madalsan yahay bisha Agoosto ee sanadkan 2019 ayaa waxaa haatan socota soo xulista Xildhibaanada cusub oo uu muran xoogan ka taagan yahay.

HABRAACA OO DHAMEYSTIRAN HOOS KA AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM