DF oo "ku rafaneysa" maareynta loolanka Masar iyo Itoobiya ee Nile

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa caqabad xoogan waxay kasoo wajahdey maareynta xifaalka Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan arrimaha webiga Nile.

Xiisadda u dhaxeysa Khaahira iyo Addis Ababa ayaa dhismaha daaran biyo-xireen ay ku baxeyso malaayiin Doolar, balse ay diidey Masar oo sheegtay in uu halis ku yahay.

Muqdisho ayaa dhexda kasoo gashay khilaafka markii ay u coddeysay qaraar lagu taageeray Masar oo dhowaan uu ansixisey Jaamacada Carabta, talaabadaas oo Itoobiya ka careysiisay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa aaminsan in madaxda Villa Soomaaliya ay "isku dhax-yaac ku maareeynayaan" xiisadda.

Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay in safarkii uu ra'iisul wasaare Khayre uu maanta ugu ambabaxay Addis Ababa uu la macno yahay "raali-gareynta Itoobiya".

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa shaaciyey in asbuucaan uu Muqdisho yimid Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masar, Abuubakar Al-xifni, isla markaana uu la kulmay Farmaajo.

Al-xifni ayaa hogaanka dalka ka codsadey in aysan ka noqon mowqifkooda taageerada Masar, sidda uu ka dhawaajiyey Cabdiraxmaan, oo tibaaxay in socdaalkaas "la qariyey".

Farmaajo ayaa xiriir fiican la leh ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasoo ciidamadda dalkiisa ay qeyb ka yihiin faragelinta ay dowladu ka wado Jubaland si gaar ah gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasi Cabdiraxmaan

Hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa isku dhax-yaac ku maareeynaya loolanka Masar iyo Itoobiya u dhexeeya ee arrimaha Webiga Niilka.

Dowladda Soomaaliya waxay markii hore la jirsatay dowladda Masar iyadoo kulankii Jaamacadda Carabta codka ku taageertay Dowladda Masar. Itoobiya ayaa ka carootay arrinkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday in ay raali gelin afka ah siiso Dowladda Itoobiya oo ay baahi badan u qabto taageeradeeda, gaar ahaan arrimaha haatan ka taagan Gobolka Gedo, laakiin Dowladda Itoobiya kuma qancin raali gelinta, waxay dalbatay in ay Dowladda Soomaaliya qaado talaabooyin muuqda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jaamacada Carabta u qortay qoraal in ay ka gaabsatay (Taxafuday) go’aankii Jaamacada Carabta ka soo baxay ee lagu garab istaagay Dowladda Masar, waxay kaloo Dowladda Soomaaliya ka dalbatay safaarada Masar in ay baneyso Iskuulka 15-may oo ay gacanta ku haysay Masar, halkaasoo Macallimiin Masaari si lacag la’aan ah wax ku barayeen ilaa 700 oo arday Soomaalia ah.

Wasiir Ku-xiggeenka Arrimaha Dibadda Masar, Abuubakar Al-xifni, oo Axadii soo gaaray Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka codsaday in Soomaaliya aysan bedelin mowqifkeeda oo ay garab taagnaato Masar, laakiin Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin kulankaas, wax war ahna kama soo saarin safarka wasiirka iyo mowqifka codsiga Masar.

Itoobiya sooma aadin Soomaaliya, soomana raadsan taageerada Soomaalida. Balse iyada oo aan weli ku qanacsanayn taloobiyanka ay Soomaaliya qaaday ayaa maanta loo diray Ra'iisul Wasaare Khayre, si uu ugu muujiyo in ay Soomaaliya garab taagan tahay Itoobiya.

Dowladda Masar oo haysata tageerada Dowladda Maraykanka, dalalka Yurub iyo Carabta ayaa ku daddaalaysa in ay hanato taageerada Afrika.

Labo caqabadood oo waaweyn ayaa haysta hoggaanka Dowladda Federaalka markii ay timaado maaraynta loolanka Juqoraafi siyaasadeed (Geopolitics) adduunka iyo Gobolkaba.

1) Iyagoo aan faham ka haysanin isbeddelka joqraafi siyaasadeed ee adduunka iyo Gobolka ka socda, cidna talo ka waydiinin, kalana diray Golihii Amniga Qaranka ee arrimahan lagu jaangoyn lahaa.

2) Iyagoo isku deyaya in ay ajnabiga u adeegsadaan, gaar ahaan dowladaha deriska ah loolanka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah, taasoo abuuraysa baahi badan oo ay markasta u qabayaan ku tiirsanaanta ajnabiga.

Waxaan ku la talinayaa hoggaanka dowladda in ay nooleeyaan Golaha Amniga Qaranka, oo aysan kaligood isku gaar yeelin talada arrimaha la xariira Amniga Qaranka.

Waxaan kaloo kula talinayaa in ay gartaan in sida keli ah ee ku tiirsanaan ajnabi looga maarmi karo ay tahay Soomaalida oo dhexdeeda ka heshiisa.

Waa laga yaabaa in ay idinku adkaato tanaasulka aad walaalihiin Soomaaliyeed u samaysaan, laakiin ogaada mar walba kan aad ajnabiga u samayso ayaa ka sii xanuun badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM