DF oo la safatay Sacuudiga oo Khilaafka kala dhaxeeya Canada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada Muqdisho ay Sacuudiga la safatay xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex-qarxay Riyadh iyo Canada.

Xiisadda diblumaasiyadeed ee dalalkaan ayaa qaraxday markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay Hab-dhaqanka Sacuudiga ee dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan gudaha dalka Sacuudi Carabiya.

Talaabadaas waxaa kasoo horjeesatay dowladda Sacuudiya, xili uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas, Adel al-Jubeir, kaasoo sheegay in tani ay u arkaan fara-gelin lagu sameynayo arrimahooda gudaha, xili ay eryeen safiirkii Canada.

Bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku qornaa Luqadda Carabiga ayaa waxaa lagu yiri: "Dowlada Soomaaliya ayaa si dhow ula socota xaaladihii ugu dambeeyay ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si cad daboolka looga qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiisadaan kala safaneyso Sacuudiga, iyada oo qiil uga dhigtay "in tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelinta".

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa iyadda oo soo xiganeysa Axdiga Qaramada Midoobay caddeynaya in dal kale uusan fara-gelin ku sameyn karin mid kale ayay ugu baaqday labadda dowladooda inay arrimaha ka dhaxeeya ku xaliyaan wadahadal.

Dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in dowlada Soomaaliya ay talaabada u qaaday inay ku raaligeliso Sacuudiga oo ay ka diiday inay kala safato khilaafka arrinta Khaliijka, iyo in talabadaan ay saameyn karto Soomaalida ku nool dalka Canada.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA OO CARABI KU QORAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM