DF oo laga dalbaday in ay dirto guddi sameeya baaris ka dhan ah Waare

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaas, Maxamed Cabdi Waare, in uu si shaqsi ah u isticmaalay gurmadkii loogu deeqay Beledwayne.

Mudaneyaasha ayaa intaas ku daray in Waare uu diidey in wax laga waydiiyo halka ay ku baxday lacagtaas iyo haddii uu gacanta ku hayo.

Aadan Kala-dire, oo kamid ah sharci-dejiyeyaasha, ayaa dowladda federaalka ah ka codsaday in ay dirto guddi baaritaan ku sameeya lacagtaas.

"Annagoo koox Xildhibaano ah ayaan u tagnay madaxweynaha, jawaab waafi ah wuu naga siin waayey, nasiib darro waaye taasina," ayuu xusay.

Xilli uu xukuumadda federaalka ka dalbaday in ay dhageysato baaqooda, Aadan ayaa tibaaxay "in musuqmaasuq baahsan uu ka jiro HirShabelle".

Bishaan May 10-keeda ayay ahayd markii Waare uu baraha bulshadda kusoo qoray in ay soo gaartay in ka badan hal milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah, taas oo ka kala timid dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

"Waxaa maanta 10/5/2020 naga soo gaaray Dawladda Federalka Soomaaliya; $600,000, Dawladda Jabuuti Hiil Walaal; $42,000 Guddiga Gargaarka Heer Qaran oo loogu talogalay fatahaadda. Shukran @M_Farmaajo @HassanAKhaire @IsmailOguelleh," ayuu tibaaxay.

Shaacinta Waare ayaa timid maalmo kadib markii guddi ku howlan siddii looga hortagi lahaa fatahaad mar kale ka dhacda Beledwayne uu qiray in dedaalada ay wadaan aysan wax lug ah ku lahayn dowladda iyo maamulka.

Tani ayaa dhalisay dhaliilo loo jeediyay dowladda iyo maamulka HirShabelle oo ahaa in aysan bixin lacagta gurmadka ahayd iyo in ay ka gaabiyeen maalgelinta dedaalo looga hortagayo dadaad mar kale ku dhufta Beledwayne.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah wadamada caalamka ee ay ka jiraan musuqmaasuqa ugu balaaran isla markaana mas'uuliyiinta qaarkood ay isticmaalaan dhaqaalaha loogu talagalay in ay shacabka ugu adeegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM