DF oo lagu dhaliilay inay taageeri wayday kooxda Macawiisley

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaanadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah yeeshay xaruntooda caasimadda dalka ee Muqdisho Fadhigoodii caadiga ahaa, kaasi oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad ee Gollaha.

Ajdanaha kulanka oo ay soo xaadireen in ka badan 100 mudane ayaa ahaa ka doodista wax ka bedal lagu sameynayo xeer-hoosaadka Golluhu ku shaqaynayo, kaasi oo uu soo gudbiyey Guddiga qaabilsan.

Dooda wax ka bedalka xeer-hoosaadka oo Xilldhibaanadda u socotey mudooyinkii dambe ayaa maanta mudanayaasha hadley waxay soo jeediyeen qodobo ay sheegeen inay muhiim tahay in laga saaro, maadaama uu ka hor-imaanayo Dastuurka dalka.

Dhinaca kale, mudanayaal kale oo goobta ka hadley ayaa soo hadal-qaadey dagaal todobaadkan iyo kii ka horeeyay ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo udhaxeeyay Xoola dhaqato la magac-baxdey Macwiisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka oo lasoo wariyey tirro labo jeer ah ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan Tobban mudane, kuwaasi oo ka kala tirsan dhinacyadda dagaalamey, xili dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Sharci-dejiyaasha ayaa ku dhaliilay dowladda inay ka gaabisay sidii dadka is-abaabuley ay uga taageeri lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Shabaab, maadaama saanad ciidan ahaan aysan la bac-bac dhigi karin kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda.

Hadalka Xilldhibaanadda ayaa kusoo aadaya xili taliyaha ciidanka xooga dalka Indha-qarshe uu sheegay inay diyaar uyihiin sidii ay kooxda Macawiisleyda ka taageeraan olalaha ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ay ku waayeen hogaamiyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM