DF oo lagu eedeeyay in ay riixeyso "dacwad been ah" kana dhan ah wariye

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysa eedeymo aan sal lahayn oo ka dhan ah wariye madax-banaan oo ka howlgala Muqdisho, sidda ay sheegeen ururada u dooda saxaafada.

Cabdicasiis Axmed Gurbiye, tifaftiraha ahna agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog, ayaa Talaadada maanta ah kasoo muuqdey maxkamadda, balse waxaa dib loo dhigay go'aan ka gaarista gal-dawadeedkiisa.

Xafiiska xeer-ilaalinta oo wakiil ka ah Madaxtooyadda Soomaaliya oo dacwadda gudbisay ayaa laga soo xigtay in saxafiga loo haysto eedeymo ku saabsan "aflagaado ka dhan ah hay'addo siyaasadeed, maamul ama garsoor si lamid ah faafinta warar been abuur ah oo la xiriira safmarka Covid19".

Markii fursad loo siiyey in uu eeda ka jawaabo, Gurbiye ayaa fadhigii saaka ee maxkamadda gobolka Banaadir isaga fogeeyay dhamaan eeda, sidda ay warisay xarunta uu ka tirsan yahay.

Qareenada u doodaya wariyaha oo kadib kulanka u waramay war-fidiyeenka ayaa "sharci darro" ku sifeeyay eedeymaha xeer-ilaalinta, iyagoo tibaaxay in ay gudbiyeen is-hortaag waafaqsan shuruucda u taala waddanka.

Sidda laga soo xigtay qareenadda, eedeymaha ayaa baalmarsan qodobka 18aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo damaanad-qaadaya xorriyadda hadalka iyo tan warbaahinta gaarka loo leeyahay.

"Eedii wariyaha loo haystay waxaan ka sameynay is-hortaag la xiriiro in wariyaha aan lagu eedeyn karin xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ay tahay in lagu dhaqmo xeerka saxaafadda gaar ahaan qodobkiisa 29aad maadaama uu yahay qof mihnadle ah," ayuu yiri Daahir Carab, mid kamida qareenada.

Yaxye Maxamed Saciid, dacwad-oogaha dowladda oo ka jawaabay dooda qareenada, ayaa ku adkeystay in dacwadooda ay sharci tahay, wariyahana lagu haysto in uu ku tuntay qodobada 269 iyo 328 ee xeerka ciqaabta.

Midowga Isu-tagga wariyeyaasha Soomaaliyeed ee FESOJ oo goobjoog ka ahaa maxkamadeynta ayaa taageeray dooda qareenada saxafiga, wuxuuna ku baaqay in gabi ahaaba meesha laga saaro gal-dacwadeedkan "beenta ah".

"Waxaan ka dalbeynaa in maxkamadda ay laasho dacwadaha ka dhanka ah Cabdicasiis Axmed Gurbiye maxaa yeelay, marka laga eego dhanka sharciga, kiiska guud ahaantiisa waa aan la aqbali karin," sidaas waxaa yiri xoghayaha guud ee FESOJ, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo saarey.

Macalimuu ayaa walaac looga muujiyey in uu xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wali loo adeegsanayo wariyeyaasha, iyadoo dhowaan madaxweyne Farmaajo uu sheegay in uu dhacay isla markaana uu meesha ka saari doono.

"Waxaan ka codsaneynaa maxkamadda in ay laasho dacwada aan salka iyo baarka lahayn ee ka dhanka ah wariyaha," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo ayiday in dacwadaha ka dhanka ah saxafiga ay yihiin kuwa been abuur ah ayaa dowladda ugu baaqay in ay taageerto warbaahinta kahor doorashooyinka.

Bishii April 14-keeda, 2020 ayay ahayd markii Gurbiye lagu xiray saldhiga degmadda Hodan. Xarigiisa wuxuu yimid markii uu Facebook ku qoray "in uu Farmaajo qaatay qalabka bukaanada Covid-19 siiya neefta".

Saxafiga oo 19-kii bishaas damaanad lagu soo daayey ayaa tan iyo xilligaas wuxuu banaanka ku joogaa xaaladaas gaarka ah, iyaddoo aanan loo ogoleyn in uu kiiskiisa uga xog-waramo warbaahinta illaa iyo laga xukminayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM