DF oo looga digay in ay olole siyaasadeed u adeegsato deyn cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaadey in uu taageersan yahay barnaamijka deynta cafinta ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa qaadan karta deyn cusub hadii laga dhaafo deynta haatan lagu leeyahay, sidda ay sheegtay xukuumadda.

"Xisbiga Wadajir wuxuu taageerayaa deyn cafinta, sababtoo ah wuxuu xayiraadda ka qaadayaa taageerada loo baahan yahay ee dhaqaalaha caalamka, wuxuu dhisayaa kaabeyaasheena dhaqaalaha iyo adeegyadda bulshadda".

Deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gaareyso in ka badan shan bilyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Waxay u ogolaaneysaa hay'addaha gaarka loo leeyahay in ay amaah kasoo qaataan hay'addaha dhaqaalaha ee caalamiga ah ayna xasiliyaan hay'addaheena," ayuu raaciyey xisbigu.

Sidda ku cad bayaanka, xisbiga Wadajir ayaa ka digaya in dowladda Soomaaliya ay dano siyaasadeed oo gaar ah u adeegsato barnaamijkaan.

"Balse deyn cafinta qiimo badan uguma fadhiso dadka iyo siyaasiyiinta, maxaa yeelay wuxuu noqdey hal-ku-dhiga ololaha dowladda federaalka iyo cudur-daarka ay indhaha Beesha Caalamka uga dabooleyso musuqmaasuqa ka dhex-jira dowladda iyo fashilka siyaasadeed, amni, dagaalka Al-Shabaab iyo xiriirka sii xumaanaya ee dowladaha federaalka xubinta ka ah," ayuu xusay.

Dhinaca kale, Gerry Rice, afhayeenka hay'adda lacagta aduunka, oo tibaaxay in deyn cafinta Soomaaliya ay ku jirto ajendeyaasha ugu muhiimsan ee IMF ayaa sheegay in Guddiga sarre ay ka shirayaan todobaadka soo aadan.

Kulankaas ayaa, sidda uu ka dhawaajiyey Rice, waxaa lagu faa'qidi doonaa qaabka loo bixinayo lacagaha deymaha ee lagu leeyahay Soomaaliya.

Dowlado badan ayaa horey ugu balanqaadey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay bixin doonan qayb ahaan deynta, halka kuwa kalena ay shaaciyeen in ay dalka ka cafiyeen deymo ay ku lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM