DF oo shaacisay khasaaraha duqeyn laga fuliyey agagaarka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fahfaahin ka bixisay duqeyn cusub oo lala eegtay Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu qeyb ka ahaa Mareykanka ayaa shalay galab ka dhacay degaanka Gandarshe, oo koonfur kaga aadan Muqdisho.

Weerarkaas dhanka cirka ah waxaa lagu dilay afar kamid ahaa Al-Shabaab, sidda ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta.

Sidda ku xusan bayaanka, ma jiro shaca wax ku noqdey duqeynta, haddii ay soo baxaanna baaritaano ayaa loo diri doonaa.

Taliska Mareykanka ee Afrika kaasoo loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey khasaaraha ay dowladdu ka baahisay duqeynta.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakada balaaran ee Al-Qaacida.

Sikastaba, 5-tii bishaan Maaj ayay ahayd markii duqeyn ka dhacay Kuunya Barow oo Shabeellaha Hoose ah lagu dilay dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM