DF oo sharaxday kaamirooyinka cusub ee jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay fahfaahin buuxa ka bixisay kaamirooyinka cusub ee lagu xiray qaar kamid ah isgoysyadda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Cabdullaahi Faarax, agaasimaha siyaasadda iyo sharciga ee Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa talaabadan ay tahay si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Faarax ayaa rumeysan in kaamirooyinka ay hoos-u-dhigi doonan fal-dambiyeedyadda kana hortagi doonan weeraradda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Weeraradda hoos ayay u dhacayaan, sababtoo ah waxaa qabaneysa Kaamiradda, waana talaabo horey loo qaadey," ayuu Faarax u sheegay qeybta English-ka ee Tv-ga VOA.

Ibraahim Xaaji, agaasimaha warbaahinta ee Wasaaradda Difaaca, ayaa shaaca ka qaadey in ciidamadda ammaanka ay si gaar ah ula socon doonan dhaqdhaqaaqa Kaamirooyinka.

"Koox ka tirsan laamaha ammaanka ayaa jira oo maamulaya, mana rabo in aan kusii dheeraado, waa arrimo ammaan," ayuu ku daray.

Illo wareedyo ayaa tibaaxay in kaamirooyinka laga maamuli doono xarunta nabad sugida iyo sirdoonka Somaaliya ee loogu yeero Habad Khadiijo.

Iyaddoo shacabka aragtiyo kala duwan ka bixiyey, waxaa walaac ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in si gaar ah loogu rakibay agagaarka hoygooda.

Siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda dowladda Farmaajo ayaa tuhunsan in loogu talagalay in lagula socdo dhaqdhaqaaqdooda xili jawi xasaasi ah lagu jiro.

Bishii October, 2019, Al-Shabaab, oo si joogto ah weeraro uga geysta magaala madaxda, ayaa ku amartay xarumaha ganacsi ee Muqdisho, in aysan mehradahooda banaanka uga dhejin karin Kaamirooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM