DF: Somaliland way soo magacaaban kartaa Wasiirka Arrimaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa holac kusii shiday khilaafka Somaliland iyo dooda ka dhalatay socdaalka Farmaajo ee Hargeysa markii wasiirka warfaafinta uu weeraray maamulka Hargeysa.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo degaan doorashadiisu tahay gobolada waqooyi, ayaa meesha ka saarey in uu la socdo qorshaha safarka la sheegay in uu madaxweynaha dalka ku tegayo caasimada Somaliland.

Maareeye oo muuqaal laga soo duubay ayaa yiri "28-sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfashyadda [qaadka] looga taliyo, oo maskaxda iyo madaxda aanu talineyn".

Madaxda talada haysa ee Somaliland ayuu kula taliyey "in ay la yimaadaan siyaasad la jaan-qaadi karta isbedelka ka socda aduunka iyo gobolka Geeska Afrika".

Mar wax laga waydiiyey diidmada Somaliland ee soo dhaweynta Farmaajo ayuu intaas ku daray "xataa hadii ay u aqoonsan yihiin dal jaar la ah Somaliland ha u soo dhaweeyeen sidda u soo dhaweyn lahaayeen hadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu yiraahdo 'waxaan imaanayaa Somaliland' ama hadii uu dhihi lahaa madaxweyne Uhuru ama ra'iisul wasaare Abiy Axmed".

"Hadii ay u aqoonsan yihiin waxa uu madaxweyne Farmaajo u yahayna, sidaas ha u soo dhaweeyeen, sidaas ayaan kula talin lahaa, marka mar walba soo dhaweynta muhiim weye," ayuu ku adkeysatay wasiir Maareeye.

"Wasiirka Arrimaha Soomaaliya"

Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa tibaaxay in hadii Farmaajo uu tago Hargeysa uu kala hadli karo mas'uuliyiinta maamulkaas "wax kasta oo isaga xiran oo ciidaas ka badan".

"Xaqiiqiyan hadii maanta qof madax ah lagu soo dhaweynayo qofkii ugu munaasabsanaa oo wax isaga xirnaayeen weye [madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayuu carabka ku adkeeyay.

Wallow uusan carabaabin, madax ka tirsan Somaliland oo uu sheegay in ay kulmeen ayuu kasoo xigtay "waxay ku dhahaayaan 'waxaan ku tashanay waanu aragnaa in xoogaa culeysyo ka jiree, shacabkaanu ka cabsaneynaa' waxaan dhahay 'shacabka soo adiga hogaanka kuuma dhiiban, soo adigu madax ma tihid, ma meelay ku coddeeyaan ayaa jira, soo adiga siyaasadooda rogrogeeda iyo keenista plane A, B iyo C iyo dadkaan futur-kooda in aad u taliso lagaama rabo ma dadka marfishyadda fadhiya ayaa leedahay siyaasadaa uga cabsanayaa. Hadii shacabka coddeeyo, waligeen siddaan ayaan ahaaneynaa ha fekerin, halkaannaa ku jireynaa cidna ha arkin cidna ha maqlin dee taas shacabka kuma dhihin' baan ku iri laakiin mas'uuliyadaadaa dayaceysaa".

Iyaddoo uu u muuqdey mid fariin siyaasadeed gudbinaya, wasiirka ayaa qiray in shacab xasuuq loo geystay, balse wuxuu taageero u muujiyey raaligelintii uu Farmaajo ka bixiyey talaabooyinka dowladdii kacaanka.

Madaxda Somaliland oo uu ku booriyey "in ay gutaan mas'uuliyadda ka saaran dadka daruufeysan ee shahaadooyinka iyo visaha ka qaata Muqdisho" ayuu ku tartarsiiyey in ay dib u bilaabaan wadahadalka.

"Inkastoo madaxda aanan arkin wasiiradda aan mararka qaar meel ku arko waxaan ku iri hadii aydaan wax kale sameynin Wasiirka Soomaaliya magacaaba ha yimaado Muqdisho si aynu u wada xaajoono ama socdaalka iyo arrimaha kale uu ka shaqeeyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyaddoo dhowaan ay xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya ku kulmeen Farmaajo iyo Biixi, wallow aanan wali labadda hogaamiye si furan uga warbixin qodobadii ay kawada xaajoodeen.

MUUQAALKA MAAREEYE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM