DF Soomaaliya oo diidey eedeyn dalka Imaaraadka u soo jeediyey [Dhageyso]

Image

MUQDISHO- Dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay cambaarayn uga timid dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriritay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay difaacday tallaabada ay qaadday waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.

Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in in boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka diplomaasiyadeed. Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi uu sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.

Halkaan ka dhageyso warbixintan.

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM