DF Soomaaliya oo "ku fashilantay" in ay kala furfurto ciidamada Afmadow

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Degmada Afmadow waxaa madaxweynahu uu halkaas kula hadlay qaar kamid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland.

Isagoo la hadlayay Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku amaanay inay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay nabadgalyo ugu seexan lahayeen shacabka ku nool deegaankan kuwaas oo si xor ah nolol maalmeedkooda ula halgamaya.

Waxbarashada iyo adeegyada kale ee dadweynaha ayuu Madaxweynahu sheegay inay suuragalisay naf hurnimada iyo geesinimada Ciidamada kuwaas oo aan ka seexan sidii ay nabad ugu noolaan lahayeen dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Askarta difaaca hore ku jirta kuwaas oo iyadoo mararka qaar fursadahu ay yaryihiin hadana u taagan sidii Bulshadu ay u heli lahayeen wakhti ay noloshooda ku maareeyaan.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in qorshahii ay Dowlada Federaalku ku doonaysay inay ku kala fur furto Ciidamada iyo Sarakiisha Afmadow ka howlgala uu fashilmay taas oo meelo badan hada kahor uga hirgashay isla markana dhibaatadii ka dhalatay ilaa maanta Shacabka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan.

Ciidamadii loogu tala galay inay la dagaalamaan Al-Shabaab iyo hubkii Caalamka uu ugu deeqay dalka ayuu Madaxweynahu sheegay in loo adeegsanayo burburinta dalka iyo hanaanka Federaalka si gaar ah wuxuu Madaxweynahu nasiib daro ugu tilmaamay in maanta ay is horfadhiyaan Ciidamadii la doonayay inay sida wadajirka ah ula dagaalamaan Argagixisada.

Dhibaatada ka taagan Magaalada Beledxaawo iyo deegaanada kale ee Gobolka Gedo ee ay sida gardarada ah ku qabsatay Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay inay Tusaale u tahay sida khalkhalka loola doonayo meel walba oo Jubbaland kamid ah taas oo ah wax aan la aqbali karin Masuuliyiinta iyo Shacabka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay wadajir iyo inay u midoobaan sidii ayna u dhici lahayn in la kala qaybiyo.

Shacabka ree Jubbaland iyo Ciidamada kala duwan ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab iyo qoraynta deegaanadooda ay u istaagan iyagoo sidoo kale ka feejigan in dhexdooda la kala qaybiyo iyadoo laga leeyahay dano gaar ah oo aan dalka u wanaagsanayn.

Madaxweynaha ayaa isla goobta uu kula hadlayay Ciidamada darawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow ku dalacsiiyay Gaashanle Mahad islaam iyadoo uu u xidhay darajada gaashanle dhexe

Gaashanle dhexe Mahad Islaam ayuu Madaxweynahu sheegay in go'aan wanaagsan oo Tariikhi ah uu qaatay isagoo u turaya shacabka iyo iyo Dowladnimada Jubbaland taas oo wax uga wanaagsan uuna heli lahayn marnaba.

Madaxweynahu wuxuu sheegay inuu la socday dhamaan xiriiradii ay Dowlada Federaalka ah masuuliyiinteedu lasoo sameeyeen Taliyaha isla markana uu dhagaysanayay dhamaan waxyaabahii ay kala hadlayeen oon mara la dhihi karin waxay ahayeen wax dan u ah Qaranka balse dano shaqsiyadeed ay saldhig u ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM