DF Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay Xubno katirsan Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijinaya in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaaladda Muqdisho ku xirtay laba xubnood oo katirsan maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada ay xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq, oo ah ku xigeenka gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Ismaaciil Qarax, oo ah gudoomiyaha degmada Baardheere.

Labada mas'uul ayaa la sheegay inuu shirqooley taliye sare oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka, kaasoo ku casuumay magaaladda kadibna markii ay kasoo degeen Garoonka Aadan Cadde la dhigay Xabsiga.

Wali dowladda kama hadlin xariga mas'uuliyiinta Jubaland, balse waxuu kusoo beegmayaa xilli dowladda Federaalka ay dedaal ugu jirto sidii ay kula wareegi lahayd gobolka Gedo, halkaasi oo ay kawado dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Saraakiisha la xiray ayaa lagu soo waramayaa inay kasoo horjeedeen ciidamada dowladda u daabushay Gedo, iyagoo ku tilmaamay tallaabada mid lagu hurinayo dagaal ka dhaca gobolka.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay burburinayso nidaamka Federaalka, islamarkaana ay duulaan ku tahay maamullo nabdoon, halkii ay kala dagaalami lahayd Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM