Soomaaliya oo shirkado ku riixeysa in ay iibsadan xirmooyin shidaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Batroolka ayaa xaqiijiyey in dowladda aysan wali gacanta ku dhigin shirkado ka ogolaada in ay qaatan xirmooyinka shidaal ee la hubiyey in dalku leeyahay balse ay la halgamayaan.

Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in xogta ay hayso wasaaradiisa ay muujineyso in waddanka haysto in ka badan 50 milyan oo fuusto Saliid ah, ayna suuq u raadinayaan.

Shirkii ugu horeeyay kadib burburkii kaasoo lagu soo bandhigayo shidaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey London bishii Febraayo, xili kuwa kale ay ka kala dhici doonan Turkiga iyo Mareykanka dabayaaqada 2019.

Qeyb kamid ah fuustooyinkaasi ayaa waxay ku jiraan dhanka ay muranka gelisay Kenya taasi oo dacwadeeda ay haatan hortaalo Maxkamada Cadaalada Aduunka. Balse "annga ayaase leh," ayuu wasiirku yiri.

"Maya," ayuu mar kale ku jawaabay markii la waydiiyey hadii ay dowladda heshay shirkado qaata xirmooyinkaasi. Isaga raaciyey "Waxaan rajeynayaa in aan heli doono, maadaama ay heshiisyo cusub gelnay".

Wasiirka ayaa dhowaan qalinka ku duugay qandaraasyo ay dalka dib ugu soo laabanayaan shirkadaha waaweyn ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi qeyb kamida xirmooyinka ay siisey dowladii kacaanka.

"Shell iyo Exxon waxay kamid yihiin shirkadaha aan fileyno in ay qaataan," ayuu daba dhigay, isaga oo ka gaabsadey in uu muddeeyo waqtiga ay ku qaadan karto qancinta shirkadahaasi iyo kuwa kale.

Labadaasi shirkadood ee laga kala leeyahay Mareykanka iyo Holland ayaa tan iyo xiligaasi dalka uga maqnaa sababo amni bariga iyo badda. "Hadda caqabada bada waanu xalinay, wayna soo laabanayaan," ayuu xusay Cabdirashiid.

Hasa ahaatee afhayeen u hadlay Shell wuxuu si cad u qeexay in aysan ka qeybgeli doonin bandhigyada ka qabsoomaya Ankara iyo Houston.

Isaga oo la hadlayey muuqaal-baahiyaha Bloomberg kana jawaabayey su'aal ku saabsan in xiisada Soomaaliya iyo Kenya ay saameyn karto soo saarista shidaalka ayuu gebi ahaanba meesha ka saarey.

"Goobta annaga ayaa leh, ma jirto sheegashada Kenya. Dacwadana waxay hortaalaa Maxkamada Cadaaladda Aduunka, annaga taasi ayaan ka war-sugeynaa," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhanka ammaanka ah, waxayna dagaal ay kula jiraan Al-Shabaab, kooxdaasi oo lagu tilmaamay halista ugu balaaran ee amniga dalalkaasi.

"Kenya waxay kamid tahay howlgalka Midowga Afrika ee nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM, hadana ma rumeysanin in [xiisada] ay halis ku tahay amaanka," ayuu ku war-celiyey arrintaasi wax laga waydiiyey.

Maxkamada Cadaaladda Aduunka oo dib u bilaabi doonta dhageysiga gal-dacwadeedkaasi bisha September ee sanadkan ayaa la filayaa in xukunka ay fadhigaasi kadib soo saarto, sida uu wasiirku ka dhawaajiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM