DFS oo hakisay Imtixaanka dugsiga sare markii suuq madow lagu iibiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta waxbarashadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa joojiyey Imtixaanka dusiga sare kadib markii la xaday, isla markaana suuq madow lagu kala iibsaday.

Wasiirka waxbarashada ayaa telafishinka dowlada u sheegay: "Saddex maalmood oo uu socday Imtixaanka lix maado oo la qaadey lixduba suuq ayay yaaleen, hal meel ayayna kawdada imaanayeen.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tibaaxay in fadeexada ay ka dambeysay markii maamulka xarun kamida 90-ka goob ee lagu qaadayey "uu go’aan-saday in uu fashiliyo, taasi oo ah nasiib daro".

Mr Barre oo shaaciyey in gebi ahaanba daaqada laga saarey Imtixaankii lasoo galay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa tilmaamay in mid cusub la qaadi doono 27-ka May ee sanadkaan 2019.

"Meelaha qaarkood waxaad la socotaa in lacag lagu kala qaadanayey, waana nasiib daro, in Imtixaankii lagu qiimeynayay bulshada Soomaaliyeed uu qof hunguri ka raadiyo waliba bil Ramadaan," ayuu raaciyey.

Imtixaanka oo bilowday Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa u fadhiisatay in ka badan 30-kun oo arday guud ahaan wadanka, sida ay wasaarada waxbarashada federaalka ah ay ku dhawaaqday.

"Waxaa nasiib daro ah in waalidiinta ay ka qayb qaateen iibinta Imtixaanka," ayuu ku daray, isaga oo raaciyey "Waxaa kaloo nasiib daro in arday soo dadaalay uu soo ak-fadhiisto mid isku helaynaya in uu soo gatay Imtixaan.

Wasiirka ma uusan soo hadal-qaadin talaabada laga qaadi doono cida mas'uulka ka ahayd in Imtixaanka dowlada suuq madow lagu iibiyo, isla markaana lagu arkay qaarkood baraha bulshadda.

Balse waxa uu iclaamiyey go’aano cusub oo lasoo rogay inta lagu guda jiro maalmaha uu socdo Imtixaanka cusub.

"Hadaba, wasaaradu waxay go’aan ku gaartay in Imtixaanadii hore la baaba'shay mid cusubna la qaadi doono 27-da May illaa iyo 31-da. Shantaasi maalin ma jiri doonan wax baro bulsho ah [Internet-ka ayaa la xanibayaa]," ayuu xusay.

Soomaaliya ayaa waxaa horey u soo maray kiisas noocaan ah oo la xiriira in la dusiyey Imtixaanka dowladda, balse talaabooyin aan ahayn la hakiyey ma aysan qaadin mas'uliyiinta.

Nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya ayaa haatan ah mid uu dib u habeyn ku socdo, gaar ahaan goobaha waxbarashada, kuwaasi oo lagu dayac-tirayo taageero maaliydeed oo caalamka ka timid.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dowlad Puntland oo qaadacday Imtixaanada ay wasaarada waxbarashada federaalka qaado waxay ku dooday in qishka uu yahay wax iska caadi ah, musuq-maasuq baahsana uu jiro.

MUUAQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM