DFS oo ka badbaaday in ay magdhow siiso ajnabi lagu xiray Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka badbaaday in ay magdhow siiso nin u dhashay waddanka Ingiriiska kaasi oo 9-kii bishan August lagu xukumay magaaladda Muqdisho.

Andrew Brown Irlam, oo markii bishii Janaayo 2019-ka laga qabtay madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sheegay magaciisa Anthony Thomas Cox, ayaa waxaa lagu ganaaxay todoba kun oo dollar.

Maxkamadda Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta ciqaabta oo xukunkan riday ayaa sidoo kale waxay daboolka ka qaadey in shaqsigan lagu xukumay xarig mudadii uu xabsiga ku jiray oo ahaa lix bilood.

Xukunkaasi ayaa loo coksaday qodobka 34aad ee Xeerka nabad-gelyadda guud markii la isku khilaafay in lagu saleeyo Xeerka Ciqaabta Guud, kaasoo ku waajibin lahaa todoba kun iyo shan boqol oo shilin Soomaali ah.

Ciqaabta ruuxan ku xirnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaasi oo uu isku day dil kaga badbaaday, oo tirsiga gal-dacwadeedkiisu yahay 253/2019 ayaa illaa iyo haatan waxaa nan jirin cid racfaan ka qaadatay.

"Maxkamadda Sharciga waa fulisaa ee ma unukto," ayuu Muuse Macalin Maxamed, gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, u sheegay idaacadda Kulmiye, isagaoo xaqiijiyey in ay dood ka dhalatay xeerka.

Isaga oo ka fal-celinaya hadalheyn ka dhalatay lacagta dollar-ka iyo xukunka oo lagu sifeeyay "mid jilicsan," Muuse ayaa ku booriyey mudaneyaasha baarlamaanka federaalka in ay wax ka bedel ku sameeyan xeerka ciqaabta.

Illo wareedyo aad ula socday kiiskan ayaa u dusiyey Garowe Online in xukunsanaha, oo laga soo xiray meel aan ahayn goobta hubinta ee garoonka, lagu qabtay Khasnado faaruq ah iyo Jaakad nooca xabadda aan karin ah.

Ma jirin cid ka socotay garoonka diyaaradaha oo dacwad ka keentay Irlam, sidda uu fahansan yahay GO. Si lamid ah, hadii dambiga lagu wayn lahaa, dowladda Soomaaliya waxay waajibi lahayd bixinta magdhow.

Dacwad oogeyaasha oo sheegay in ay ku qanceen xukunka xeer-beegtadda ayaa ku eedeeyay Andrew khal-khalgelinta iyo sumcad dilida amniga garoonka.

"Hadii khasnadaha ay dadka kusoo buraarugi lahaayeen argagax ma dhalin lahaayeen? Maxkamadda waxaa u soo baxday 'Haa' intaasi ayaana loo coksaday xukunka, dowladdana uga badbaaday magdhowga," ayuu tibaaxay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey xukuno isugu jira xarig iyo tarxiil waxay ugu riday shaqsiyaad ajaaniib ah kuwaasi oo u kala dhashay wadamadda Uganda, Kenya iyo Faransiiska.

Xubnaha dalalka dhaca Afrika ayaa lagu eedeeyay in ay magaaladda gudaheeda lasoo galeen Khamri, halka ruuxa kale ee kasoo jeeda qaranka ku yaala Yurub uu kiiskiisa lamid ahaa Andrew Brown Irlam.

Mararka ay timaado in ajaaniib lagu xiro Muqdisho, safiiradda wadamada ay ka dhasheen ee fadhigoodu yahay caasimadda waxay isku dayaan in ay culeys saaraan garsoorka Soomaaliya, balse Muuse ayaa u digay.

"Sidda ay dowladdaha kale u doonayaa in loo ilaaliyo sharcigooda, ayaan keenana u ilaalinaynaa, kamana waabaneyno inaan fulino shuruucda dalkeena," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay gudoomiye Muuse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM