Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Arbacada maanta ka dhacay agagaarka cisbitaalka Xoogga ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in falkaas ay ku dhinteen saddex qof.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxaana ay ku qaraxday baabuur ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya oo waddada marayey.

Laba ka tirsan dadka dhintay ayaa la xusay inay ka tirsanaayeen ciidamada saadka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Dhanka kale, war kasoo baxay taliska ciidamada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada qof ee lagu khaarijiyey falkaas ay ahaayeen saraakiil ka tirsan milatariga.

Labada sarkaal ayaa kala ahaa; madaxii saadka ciidanka dhulka xoogga Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cismaan Muuse Axmed Maqaar iyo Korneyl Faarax Dhicisow

Waa qaraxii labaad ee toddobaad gudihiis ka dhacay Muqdisho. Saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax 25-kii March ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee caasimadda.

Qaraxaas ayaa waxaa fuliyey is-miidaamiye isku qarxiyey meel u dhow baarkii hore ee Baar BULSHO oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah. Dadka ku dhintay waxay ahayaeen isku qoys.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM