Weerar lagu qaadey Marka xili Khayre uu la hadlayey shacabka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba ruux oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in Sabtida maanta ah ay ku dhinteen weerar madaafiic oo lagu qaadey Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen guri rayid xili ra’iisul wasaare Khayre oo maanta [14-ka September 2019] tegay magaaladaas uu la hadlayey dadweyne loo diyaariyey soo dhaweyntiisa.

Mas’uuliyiinta degmada iyo kan gobolka ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in labada ruux ee geeriyooday ay yihiin haween, kuwaasi oo hoygooda ku dhaceen madaafiicda.

Al-Shabaab, urur gacansaar la leh Al-Qaacidda, ayaa inta badan looga bartay weerarada noocaan ah. Balse waxay tani imaaneysaa xili ammaanka aad loo adkeeyay.

Dhinaca kale, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isaga oo bad-qaba waxa uu dib ugu soo laabtey Muqdisho, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Socdaalkiisa magaaladda xeebta leh ee qadiimiga ah, Marka, ayaa wuxuu ahaa lugtii ugu dambeysay ee degaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed uu kusoo maray todobaadyadii u dambeysay.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay taariikhda in guluf dhimasho sababay lagu ekeeyo goob [meel] uu ku sugan yahay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Asbuucii hore ayay ahayd markii weerar kan kamid ah xaafado ku dhow Madaxtooyadda gaar ahaan safaaradda Itoobiya oo Villa Soomaaliya ku dhextaala ay sababeen waxyeelo u badan mid maal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM