Dhismaha Barlamanka Jubaland oo burbur qarka u saaran

Image

KISMAYO, April 11, 2015 ( GO)- Waxaa asbuucyadii la soo dhaafey ka socdey magaalada Kismayo qorshe la damacsan yahay in aqal Barlaman loogu sameeyo maamulka Jubaland kaasoo wararka ka imaanaya xusayaan inuu qarka u saaran yahay bur-bur.

Qabaa'ilada wada daga gobolada uu ka kooban yahay maamulka Jubaland ayaa la filayey iney ku heshiiyaan qaabka qaybsiga xubnaha uga qayb galaya Barlamanka maamulka Jubaland balse waxaa muuqata inuu soo kala dhexgaley khilaaf xoogan.

Beelsha Harti oo dagta gobolada Jubaland  ayaa maalmihii la soo dhaafey wararka ka imaanaya Kismayo sheegayaan iney ka biyo diideen qaybtii ay ka heleen Barlamanka dowlada Jubaland.

Beelahaan ayaa cabasho u gudbiyey madaxda u sareysa maamulka Jubaland gaar ahaan madaxweyne Axmad Madoobe balse ma jiraan ilaa hada xal laga gaarey cabashadaan sida warsidaha Garowe online fahansan yahay.

Dhinaca kale waxaa maalintii shaley 10 April,2015 ka baxey shirka ergadii beelaha daga gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland uga qayb galeysay kulankaas.

Wafitagaan oo ka dagey magaalada Muqdishu ayaa waxaa hogaaminayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi kaasoo eedyn balaaran korka uga tuurey madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe iyo beesha uu kasoo jeedo isaga oo tilmaamey iney tacadiyo ka gaystaan magaalada Kismayo.

Ugaaska ayaa sheegey in beeshiisu ka baxdey shirka lagu qaybsanayo xubnaha Barlamanka madaama loo ogalaan waayay dadka Soomaaliyed in si dhaqan kooda waafaqsan wax u qeybsadaan. Ugaaska Beesha Sade ayaa sidoo kale xusey ineysan waxba ka qeybsan doonin  Baarlamanka ay qorayaan  kooxda Axmed Madoobe waa sida uu hadalka u dhigaye.

Talaabadaan ayaa dhabar jab ku ah xukuumada Axmad Madoobe oo muddo bilo ah uga dhiman tahay mudadii loo qabtey maamulkiisa kaasoo u baahan jiritaanka Barlamanka Jubaland.

Axmad Madoobe ayaa qorsheynaya sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu waqti kordhin ka helo Barlamanka la qorsheynayo in maamulka Jubaland yeesho halka siyaasiyiin kale oo gobolka u dhalatey wadaan talaabooyin lagu qabanayo doorashooyin cusub.

Muranka qaybsiga xubnaha Barlamanka Jubaland ayaa yimid maamlmo kadib markii khilaaf siyaasdeed uu hareeyey qorshe la damacsan yahay in maamul loogu sameeyo gobolada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM