Dib u dhac ku yimid shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe

Image

CADAADO, April 11,2015 ( GO)- Shirkii la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Cadaado ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan inuu dib u dhac ku yimid ilaa maalinta Talaadada 17 April,2015.

Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa tibaaxaya in dib u dhacaan uu sababey arrimo farsamo maalmo kadib markii madaxweynaha dowlada Federalka ah Dhuuso mareeb kaga dhawaaqey in shirkaani furmi doono 11 April,2015.

Magaalada Cadaado ayaa dhinaca kale waxaa Khamiistii 'April 5,2015' la soo dhaafey gaarey ciidamo ka socda dalka Ethiopia kuwaasoo ilaalin doona amniga kulanka lagu dhisayo maamulkaas.

Talaabada ciidamada Ethiopia ayaa timi maalin kadib markii madaxweynaha Somalia Dhuuso Mareeb kaga dhawaaqey in shirka lagu qbaan doono Cadaado iyadoo horey maleeshiyaadka ururka Ahlu sunah isu- hortaageen ciidamo ka socda wadanka Jabuti kuwasoo damacsanaa iney madaxsha shirka amaankeeda sugaan.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda sidoo kale shirar loogu diyaargaroobayo kulankaan halka maamulayaasha degaankaas ka biyo diideen go'aankii madaxweyne Xasan Shiikh uu ka sheegey Dhuuso Mareeb.

Maamulayaasha magaalada Cadaado ayaa wararku sheegayaan in diidamadooda ah in magaalo madaxda maamul goboleedka noqoto Dhuuso Mareeb geyn doonaan shirweynaha la filayo inuu dhowaan furmo.

Kulamada gooni gooninda ah iyo wufuuda ka qayb galeysa shirkaan ayaa la filayaa iney soo dhamaadaan ilaa maalinta Talaadada ah ee soo socota.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM