Dibad-bax rabshado watay oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image

MUQDISHO- Tobbaneeyo shacab ah oo ka careysan dilka Wiil dhalinyaro ahaa oo ku xamaasha Mooto Bajaajka ayaa isugu soo baxay Galabnimadii Khamiista isgoyska Sanca ee degmada Yaqshid ee gobolka Banaadir, sidda ay xaqiijiyeen Booliska Soomaaliya.

Mooto Bajaajlaha ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa Minashiibiyadda, sida la sheegay, waxaana uu ka dambeeyay falka khaarijinta kadib markii ay ku murmeen qaadista lacag Askariga waydiiyay wiilka.

Goobjooge si dhow ula socday siday wax u dhaceen ayaa shaaca ka qaaday in Askariga falka ka geystay inuu goobta ka baxsaday ka hor inta aysan soo gaarin laamaha amaanka ee Soomaaliya, kuwaasoo meydka Mooto Bajaajlaha ka qaaday goobta.

"Askariga iyo Mooto Bajaajlaha daqiiqado ayey ku murmayeen lacag. Muranka kadib, Askariga oo watay Qori AK 47 ah wuxuu Rasaas ku furay wiilka, oo isla goobta ay nafta kaga baxday," ayuu yiri Goobjooagaha u waramay warbaahinta Muqdisho.

Falkaas dilka ah kadib Banaan-bax xoogan, oo Rabshado watay ayaa ka bilowday Isgoyska Sanca, oo ah meesha lagu dilay Wiilka Mooto Bajaajlaha ah, waxaana Dibad-baxayaasha ay gubeen Taayaro, iyaga oo Dhagaxaan ku tuurayey Baabuurta wada mareysa.

Lama oga hadii banaan-baxa uu sababay khasaaro dhimasho ama dhaawac, inkasta oo markii dambe ay si iskooda ah u joojiyeen Banaan-baxa, wallow ay saacado hakad-geliyeen dhaqdhaqaaqa Isgoyska Sanca oo kamid ah kuwa ugu mashquulka badan caasimada.

"Dhagaxaan ayay ku tuurayeen Dibad-baxayaasha cid walba oo wadada soo mareysa, iyaga oo Taayaro ku gubay wadooyinka, taasoo dhaqaaqa isgoyska Sanca oo ah mid mashquul badan hakad gelisa," ayuu yiri Goobjoogaha ka waramayey wuxuu arkay.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya oo uu isku deyay Warsidaha Garowe Online inuu wax ka waydiiyo hadii ay gacanta kusoo dhigeen Askarigii falkaan dilka ah ugeystay Mooto Bajaajlaha waxay sheegeen inay saacadaha soo aadan ay ka hadli doonan.

In ka badan 10 Mooto Bajaajley ah ayey ciidamadda dowladda ku toogteen kaliya bishaan Agoosto bartamaha iyo daafaha Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana arrintaasi cabasho xoog leh ka muujiyay Shacabka caasimada ku nool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM