Dibadbax ka dhan ah Go'aankii Trump ee Qudus oo ka dhacay Muqdisho

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , Garowe Online
Dibadbaxiyaal isagu soo baxay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Dibaxbayaasha oo ku dibadbaxaya Zoobe, Muqdisho iyagoo kasoo horjeeda go'aanka Trump ee Qudus, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Dhalinyaro wadata sawirka Masjidka Al Aqsa oo ku dibadbaxaya Wadada Zoobe, Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Salaadii Jimcaha kadib, boqolaal dibadbaxayaal ah oo isagu soo baxay Wadada Zoobe, Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Dibadbax ka dhan ah go'aanka Trump ee Qudus oo ka dhacay Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Boqolaal dadweyne ah oo dibadbax ka dhan ah Trump ka sameeyay Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Banaanbaxayaal socod ku maray wadooyinka Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Dadweyne mudaharaad looga soo horjeedo in Qudus noqoto caasimada Israeal oo ka dhacay Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]
Dhalinyaro salaadii Jimcaha kadib dibadbax lagu taageerayo Falestiin ka dhigay Muqdisho, Dec 8, 2017 [Sawirka: GO]

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqolaal qof ayaa maanta salaadi Jimcaha kadib isagu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka caraysanaa go'aankii Madaxweyne Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimdaa Israel.

Dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Trump iyo Israel ayaa waxay socod ku mareen jidadaka waaweyn ee caasimadda, waxayna isagu tageen fagaaroyin, oo khudbado loogu jeediyay.

Waxay sheegeen in Qudus ay tahay magaalo muqadas ah, islamarkaana ay waajid diini ah ku tahay dhamaan Muslimiinta inay difaacan magaalada Qudus, oo uu ku yaalla Masjidka barakaysan ee Al Aqsa.

"Qudus oo caasimad u noqoto Israel waa dhamaadka Muslimiinta, waxaa waajib diini ah uu ku yahay qof kasta oo Muslim ah inuu difaaca Masjidka xurmaysan ee Al Aqsa," ayuu yiri Sheekh Cabdul-xayi oo dadweynaha la hadlayay.

Banaanbixii maanta ayaa yimid saacado kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war saxaafadeed ay ku cambaaraysay go'aankii Trump ee aqoonsiga Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel. Halkan ka akhri.

Sidoo kale, dalal badan oo caalamka kamid ah ayaa maanta ka dhacay dibadbaxyo noocan ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin Pakistan, Iran, Indonesia, Malaysia, Afghanistan, Jordon, Tunisia, Yemen iyo Japan.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey