Ergayga cusub ee UN u qaabilsan Soomaaliya oo la magacaabey

Image

WASHINTONG, US – Xoghayaha Guud ee Ururka Qaramada Midoobay ayaa ergay cusub u soo magacaabey Soomaaliya kadib eryidii Nicholas Haysom, 1-dii bishii Janaayo sanadkan 2019.

Antonio Guterres ayaa bedelka Haysom, oo South Afrika kasoo jeeda, ka dhigay James Swan, kaasoo ah muwaadin u dhashay wadanka Mareykanka, xilal kala duwana u soo qatay dalkaasi.

Haysom ayay dowlada federaalka ah u rac-deysay markii uu farogelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee wadanka si gaar ah shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo kadib xarigii Mukhtaar Roobow.

Mr Swan oo ah diblumaasi Ameerikaan ah ayaa xilalka uu soo qabtay waxaa kamid ah safiirka dowlada Mareykanka u qaabilsan Koongada Dimoqraadiga ah iyo Jabuuti ee Afrika.

Si lamid ah Mr Swan oo 56-sano jir ah ayaa waxa uu mar sii noqday kaaliye ku xigeenka xoghayaha guud ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha qaaradda Afrika, maamulkii Barak Obama.

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jabuuti wuxuu ahaa intii u dhaxeysay 2008 illaa iyo June 2011. Halka, safiirka Democratic Republic of Congo loo magacaabay bishii Agoosto sanadkii 2013.

War saxaafadeedka Qaramada Midoobay ayaa lagu yidhi: "Mr Swan waxa uu khibraddiisa shaqo inteeda badan ku qaatay waddamada qaaradda Afrika, wuxuuna wajahay xaalado adag oo siyaasadeed iyo xilliyo kala guur ah. Waxa uu Danjiraha Mareykanka u fadhiya Koongarada Dimuqraaddiga ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2016-kii, wuxuu sidoo kale ahaa wakiilka khaaska ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2011-kii ilaa 2013-kii, halka Danjiraha Jabuuri uu ahaa intii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2011-kii".

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona Soomaaliya ayaa waxa uu bartay xiriirka caalamiga ah iyo cilmiga difaaca qaranka oo uu ka kala dhigtay Jamaacada Georgetown iyo National War College.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo muddo shan bilood uu xafiiska UN-ka ee Muqdisho uu sii waday shaqada ku xigeenka oo ahaa Sii-haayaha xilka erayga Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM