Digniino laga bixiyay ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya [Sabab]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Turkiga ufadhiya dalka Soomaaliya ee Olgan Bekar ayaa wuxuu tilmaamay in hadii ay AMISOM isaga baxdo Soomaaliya ay sii kordhayaa culeysyadda ka jira amaanka guud ahaan ee dalka.

Wuxuu tilmaamay Danjiraha in Howlgalka Nabad Illaalinta Soomaaliya ee AMISOM ay kaalin muuqata ku leeyihiin dadaaladda dib loogu soo celinayo amaanka dalka, ayna la dagaalamaan Al-Shabaab.

Bekar oo u waramay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anodoule Agency oo ka hadlayay dooda sii kordheysa ee ku saabsan in ciidamadda AMISOM la dhimayo ayaa yiri: "La'aanta AMISOM dhibaatoyinka amni way sii kordhayaan".

Hadalka Safiirka dowladda Turkiga ufadhiya Soomaaliya ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaa xubnaha Beesha Caalamka ee u olalaynaya in AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya, hadii ay baxaan amniga dalka sii xumaanayo.

Bishii hore ayey ahayd markii Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay uu hakiyay qorshihii ciidamadda looga dhimi lahaa AMISOM, kaasoo qorshuhu ahaa inay bilaabatay bishi Novomber ee sanadkaan.

Dalalka caalamka ee ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamadooda ku jiraan howlgalka AMISOM ayaa la fahansan yahay inay xusul duub ugaleen sidii loo hakin lahaa qorshaha dhismista AMISOM.

Howlgalka AMISOM oo Soomaaliya soo gashay sanadkii 2006-kii ayaa ka kooban in ka badan 16-kun oo Askar ah, kuwaasoo ka kala yimid dalalka kala ah; Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Tan iyo markii ay yimaadaan dalka, oo hadda laga joogo muddo Tobban sano ah ayaa waxa uu wajahayaa howlgalka eedaymo ku saabsan inaanu ku guuleysan inuu xaliyo amaanka dalka guud ahaan xitaa caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM