Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo ka billowday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - 48 sano kadib waxaa maanta Muqdisho ka billowday diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda dalka, iyadoo ay jiraan xisbiyo badan oo ay wataan madaxda hadda talada haysa.

Hanaankan billowday ayaa waxuu bud-dhig u yahay geedi socodka doorasho hal qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo 2020-ka, si looga gudbo 4.5, oo tan iyo burburkii awooda lagu qeybsanayay.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah shahaadooyinka aqoonsiga u siiyay 8 xisbi siyaasadeed, kuwaasi oo buuxiyay shuruudihii laga rabay.

Shuruudaha ugu waaweyn ee xisbiga laga doonayao ayaa kamid ah xaruntiisa dhexe ay noqoto magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay guud 18-ka gobol dalka Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Jawaari, Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ka qeybgalay munaasabada shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay xisbiyada.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Xaaliimo Yarey ayaa sheegtay nidaamka xisbiyada badan oo laga hergeliyo dalka ay muhiim u tahay doorashada 2020, taasi oo caqabado badan oo horyaallaan.

Xaliimo ayaa ugu baaqday Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda laga doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan siyaasadda dalka, halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka.

Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ayaa kusoo beegmaysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Xildhibaanno iyo Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ay doonayaan inay sameystaan Xisbi Siyaasadeed.

Madaxda kale ee ugu sareysa dowladda ayaa sidoo kale wado qorshooyin ku saabsan aas-aasida Xisbiyo Siyaasadeed, oo ay doorashada 2020-ka ku tartami doonaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM