"Dilaagii" qurbajooga iska dhigay ee tirsanaa Daacishta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Degaankiisa kuma xoogana ururka uu ka barbar-dagaalamay ee Daacish, laakiin muuqaal uu ka arkay baraha bulshada ayuu u rogay xaqiiqo, waana meesha ay ka bilaabatay safarkiisa xagjireynta.

Magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Boosaaso ayuu u maray in uu kasoo muuqdo filinkii uu daawan jiray Facebook iyo Telegram, markii qof uusan magacaabin uu u soo diray lacag uu ku galo safarkaas.

Caleelo waa meeshii uu ku qaatay tababarkiisii ugu horeeyay. Tirro ahaan, waxay ahaayeen 30 oo 10 kamid ah ahaayeen Itoobiyaan.

Sidda ay sheegeen laamaha ammaanka, marka laga tago in uu Al-Shabaab kula dagaalamay Miraale, gobolka Bari, ma jiro iska hor-imaadyo oo uu la galay ciidamadda difaaca dowladda Puntland.

Shaqsigaas aynu ka sheekeyno waa Maxamed Cali Maxamed oo kooxdiisa looga dhex-yaqaao Abuu Hureyra, dilaagii iska dhigay qurba jooga ee ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya laguna xukumay dil toogasho.

Hay'adda Sirdoonka Qaranka ayaa rumeysan in Abuu Hureyra loogu soo wareejiyey magaala madaxda Muqdisho "maadaama uu kala yaqaano isla markaana dadka aamini karaan in uu qurbajoog yahay".

Warbixin ay ka diyaarisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayuu ku qirtay in uu daawada ka ahaa dil askari loogu geystay suuqa Bakaaraha, balse uu ku fashilmay laguna qabtay isku daygiisii koowaad.

Bishii August 5-eeda sanadkii lasoo dhaafay 2019 ayaa laga soo xiray suuqa Siinay kahor inta aysan toogan Maxamuud Cabdi Dhuxulow, oo dowladda hoose ee Xamar wakiil uga ahaa goobtaas.

Abuu Hureyra waxaa dhaawac laga daaweeyay uu kasoo gaarey howlgalkii lagu soo qabtay. Balse waxaa baxsaday ruux kale oo wehliyey. Hay'addaha amnigu waxay sheegeen in ay baadigoobayaan eedeysanaha kale.

Qoomameyn

Intii lagu guda jiray wareysiga oo dhinacyo kala duwan taabtay, Maxamed ayaa sheegay in waalidkii ay xiriirka u gooyeen markii uu ku wargeliyey in uu ku biiray kooxdaas.

Mar la waydiiyey hadii uu cafis dalban lahaa ayuu raaciyey "hadii hadda aan dhaho halii cafiyo malii cafinayaa anigoo hebel ah ah oo waxaas leygu soo qabtey malii cafinayaa, adigaan ku waydiinayaa?"

Isagoo sharaxaya nooca tababarka ee lasii ayuu xusay "qaabka ciidan loo tababaro ayaan naloo tababaray. Buuraha oo lagu ordo, iyo qoryaha oo la qaado".

Xili uu muujiyey in uu ka qoomameynayo go'aankaas, kamid noqoshada ISIL ayuu hoosta ka xariiqay "in uusan ku saxneyn, waayo aniga markii xabada leygu dhufanaayey wuu ii jeeday muxuu iigu imaan waayey".

Sikastaba, Maxamed, oo ku biiraya liiska dhalinyaradda ay duufsadeen argagixisada, ayaa wuxuu haatan sugayaa in lagu fuliyo xukun dil toogasho ah oo Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ay ku ridday 12-kii bisha Maaj, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM