Dilalka qorsheysan oo dib uga soo cusboonaadey magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dabley aan la aqoonsan heybtooda ayaa lasoo wariyey in degmadda Yaaqshiid gaar ahaan Suuq Bacaad ay ku toogteen mid kamid ah nabadoonadda soo doortay baarlamaanka Soomaaliya.

Alle ha u raxmadee, Ugaas Maxamed Xasan Daa'uud ayaa lala khaarijiyey askari ilaalou ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Mahad.

Muuse Geesey Jimcaale, gudoomiyaha Yaaqshiid oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa xaqiijiyey in ay baxsadeen kooxihii falka sameeyay, isagoo tilmaamay in ay direen ciidamo gacanta kusoo dhiga.

"Annaga horey waanu u soo qaban jirnay kuwa wax dila iyo kuwa bambooyinka tuura, laakiin dilaayasha Ugaaska iyo askariga way baxsadeen. Meesha ay wax ka dhaceen waxaanu u dirnay CID-da si ay uga soo qabsadaan waajibaadkooda, Alle ha u naxariisto labadooda," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Barqinimadii maanta ayay ahayd markii qarax ka dhacay isla Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar-wayne lagu dilay sarkaal boolis, Cabdishakuur Xuseen Cabdi [Jaabiri] iyo askari kale oo gaariga ku wehliyey.

Saalax Carab, afhayeenka gobolka Banaadir, ayaa intaas ku daray in askari kale uu ku dhaawacmay weerarka oo Al-Shabaab uu ku eedeeyay, isagoo carabka ku adkeeyay in la xoojinayo xaqiijinta nabad-gelyada.

Jaabiri ayaa ka tirsanaa qeybta guud ee bileyska gobolka. Dilalkaan maanta dhacay waxay xoojinayaan walwalka ammaanka ee caasimadda oo u muuqaneysa mid ay kusoo laba kacleeyeen khaarijinta qorsheysan.

Todobaadkii hore, waxaa laba jeer isku day ka badbaadey JeneraalCali Gaab, taliyaha hogaanka caafimaadka booliska Soomaaliyeed.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la kacaakufeysa xasilinta magaala madaxda dalka oo mudadii ay jirtay ay ka dhaceen qaraxyo, dilal qorsheysan iyo falal kale oo waxyeelo u geysanaya amniga guud ee caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM