Diyaarad drone ah ayna lahayd kooxda Al-Shabaab oo "lasoo riday"

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lagu waramay in lasoo riday 17-kii bishaan June, sanadkan aynu ku jirno ee 2020.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan, ciidamadda Itoobiya aan aan kamid ahayn howlgalka AMISOM ayaaku toogtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Luuq iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Baay.

Xogta ayaa intaas ku dareysay in ciidamadda ay toogteen diyaaradda xilli ay socdaal ku jireen isla markaana ay dul-heehaabeysay kolanyadooda.

Saraakiisha ayaa rumeysan in diyaaradda ay basaas ahayd isla markaana Al-Shabaab ay ku baadigoobeysay xogta ciidamadda Itoobiya.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Todobaadyaddii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa qaybo kamid ah waddanka waxay dhowr jeer qaraxyo kula eegatay ciidamadda Itoobiya; falalkaas waxaa la rumeysan yahay in ay sababeen khasaaro kala duwan.

Ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM ayaa wajahaya eedeymo ay ugu weyn tahay diyaarad ay bishii May kusoo rideen Berdaale; tan iyo dhacdadaas, waxaa xoogeystay ololaha ka dhanka ah.

Xisbiyadda Mucaaradka Soomaaliya oo codsaday in lagu xisaabiyo "xadgudubyadda ay geysteen" iyo in dalka laga saaro ayaa ka cabsi qaba in ay farageliyaan doorashooyinka heerka qaran ee 2020-21.

Inkasta oo falka ay kusoo rideen diyaarada drone-ta ee Al-Shabaab ay su'aallo badan dhalineyso, dhacdadaas waxay sidoo kale sarre u qaadeysaa walaaca laga qabo in ururku yeesho awood dhanka tiknoolajiyada ah.

Axmed Cali Cosoble, oo ah khabiir ku xeel-dheer amniga Geeska Afrika, ayaa ku taliyey in la xoojiyey qorsheyaasha looga hortagayo in Al-Shabaab ay hesho xeelado tiknoolajiyadeed oo ay weeraro ku fuliyaan.

"Hadii ay Al-Shabaab ay heshay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, AMISOM iyo ciidanka xoogga waa in ay qorsheeyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen, in ay hesho kuwa kale oo badan iyo in ay bartaan sidda loo toogto," ayuu kusoo qoray Twitter-ka. "Aniga ahaan, waa mid khatar ah, waxay xitaa u adeegsan karaan is-miidaaminta. Khuburada waa in ay helaan xalka".

Inkasta oo laga saarey magaalooyinka waaweyn, Al-Shabaab ayaa tuulooyinka ay maamusho kasoo abaabusha weeraro dhiig badan uu ku daato, waxaana dowladda lagu dhaliilay in aysan dardargelinta baacsiga argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM