Diyaarad hawada Soomaaliya laga mamnuucay oo xayiraada laga qaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta Hay'adda Duulista Hawada ayaa dib uga laabtay go’aan ay hawada dalka uga mamnuuceen diyaaradaha uu sameeyay Midowgii Suufiyiinte gaar ahaan nooca Antonov.

Hay’adda ayaa u ogolaatay diyaarada nooceedu yahay AN-26 in ka shaqeyn karto hawada wadanka afarta bilood ee soo aadan. Balse waxay xayiraada wali dul-saaran tahay noocyada AN-12, AN-24 iyo AN-32.

Noocyada diyaaradaha ee hawada dalka horey looga manuucay ayaa kala ahaa; AN-24, AN-26, AN-32 iyo AN-12. Sababta ayaa lagu sheegay badqabka garoomada iyo in ay gaboobeen diyaaradahaasi.

Go'aanka lagu mamnuucay diyaaradahaasi ayaa soo baxay 15-kii Maaj ee sanadkaan 2019, sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankaasi diyaaradaha Antonov ayaa nan wax duulimaad ah ku imaanin gudaha wadanka. Balse, ka qaadista nooca AN-26 ayaa soo baxday 5-ta bishaan April.

Mas'uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada ayaa ku doodayay in Antonov aysan joogitaan ku lahayn Geesta Afrika hadii loo baahdo in dib u habayn lagu sameeyo diyaarahadeeda ama ay cilad ku timaado.

"Sidoo kale diyaaradaha shirkadaan lama jaan-qaadi karaan nidaamka hagista diyaaradaha ee casrsiga ah … Fariimahooda xaqiijintuna waa kuwa aanan la aqbali karin," ayay sheegeen mas'uuliyiinta Duulista Hawada.

Hasayeeshee warshadda Antonov oo gaashaanka ku dhufatay eedaymahaasi ayaa waxay shaacisay in diyaaradaheeda ay shahaado siisay hay’adda duulista hawada ee Midowga Yurub.

Waxay kaloo ku doodayaan in ay gobolka ku leedahay xarun lagu horumariyo laguna dayactiro diyaaradaheeda hadii ay cilad ay ku timaado.

"Diyaaradaha lagu diiwaan-geliyo Ukraine ayaa ah kuwa ku dhaca nidaamka hagista diyaaradaha … Kuweena ma jiraan xiyaaradyo ay ICAO saartay," ayay shirkada u sheegtay barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Inta badan diyaaradaha uu sameeyay Midowgii Suufiyeenti ee waqti xaadirkaan wadanka ka shaqeeya ayaa waxaa adeegsada Howlgalka Qaramada Midoobay, kaasi oo kusoo daabusho gargaarka iyo adeegyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM