Diyaarad siday gargaar oo lagu rasaaseeyay degmada Qansaxdheere

Image

QANSAXDHEERE, Soomaaliya - Diyaarad siday gargaar ayaa maanta duhurnimadii lagu rasaaseeyay degmada Qansaxdheere, ee gobolka Baay xilli Bishan horraanteedii diyaarad lagu soo riday Bardaale.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacady dhowr xabo oo rasaas laga riday qoryaha fudud, xilli ay ka degaysay garoonka, halkaasi oo ay geysay gargaar isagu jira dawooyin iyo naqo loogu talo-galay haweenka iyo caruurta.

Ma jirto cid wax ku noqotay rasaasta lagu dhuftay diyaaradda, waxaana mas'uuliyiinta degmada Qansaxdheere ay ku eedeeyeen weerarka kooxda Al-Shabaab, oo ku xooggan tuulooyinka ku yaalla duleedka degmada.

Diyaaradda ayaa saacado kadib kasoo duushay garoonka Qansaxdheere, waxayna kusoo laabatay magaalada Muqdisho oo markii hore ka duushay, iyadoo u kireysan mid kamida hay'adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya.

Lix ruux ayaa ku dhimatay diyaarad ay lahayd shirkadda Africa Express oo lagu soo riday duleedka Bardaale horaantii bishan, waxaana dawladda Itoobiya qirtay inay ciidamadeeda ku sugan degaanka ay toogteen diyaaradda xili ay degaysay.

Muwaadiniin Kenyan ah ayaa kamid ahaa shaqaalaha la socday diyaaradda oo shilka ku dhintay. Guddi isku dhaf ah ayaa baaritaan ku wada dhacdadaas oo ciidamada Itoobiya ay qirteen in ay ka dambeeyeen.

Ciidamadda Itoobiyaanka ah ee soo ridday diyaaradda laga leeyahay Kenya ayaanan kamid ahayn howlgalka AMISOM. Si lamid ah, diyaaradda lagu rasaaseeyay Qansax-dheere waxaa laga leeyahay isla Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM