Doonyo Al-Shabaab "u fududeyn jiray weerarada" oo la burburiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu burburiyey Doonyo Al-Shabaab "u fududeyn jiray weeraradda".

Afartaan doonyood ayaa lagu burburiyey howlgalo ay ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta waddanka

Saraakiisha ayaa sheegay in Doonyahan ay Al-Shabaab u isticmaali jireen in ay kaga gudbaan webbiga marka ay weeraro fulinayaan.

"Howlgalka lagu burburiyey Doonyaha oo qorsheysanaa ayaa ka dhacay degaanada Sagaalaad iyo Mareerey," ayuu yiri sarkaal.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Doonyahan ay lahaayeen shacab, kuwaasoo Al-Shabaab ay si qasab ah kaga qaadan jireen.

"Dadka shacabka ah waanu ku wargelinay in aan kaga burburinay arrimo amni, waana dareemaynaa in ay dhibaato tahay," ayuu raaciyey.

Talaabada ay qaadeen ciidamadda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Al-Shabaab ay muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka.

Labadii todobaad ee u dambeysay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa beegsatay fariisimo ciidamadu ku leeyihiin Afgooye iyo Marka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM