Doorashooyinka Galmudug: Murashaxiin isbaheysi sameystay

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Saddex kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa maanta ku kulmay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in ay isbaheysi sameysteen

Xubnahaan ayaa lagu sheegay murashaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda tartamaha ay wadato Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Odowaa oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka socda xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD.

Guutaale ayaa qudhiisa wuxuu calanka u sidaa xisbiga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee lagu magacaabo Wadajir.

Mr Wehliye, wasiiru dowlihii arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa gacansaar hoose la leh ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Axmed Kaariye Cabdi oo ku magac dheer Qoor-qoor, wasiiru dowladihii Howlaha Guud, ayaa ah murashaxa ay wadato Villa Soomaaliya.

Doorahada Galmudug ayaa mid marxalad xasaasi ah mareysa, waxaana xubnahaan ay ka siman yihiin in ay raadinayaan kalsoonida Xildhibaanada.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in mudaneyaasha lagu cadaadinayo in ay u coddeeyaan murashaxa dowladda ay wadato, hadii kale aysan heli doonin aqoonsiga.

Sikastaba, doorashooyinka Galmudug ayaa xoojinaya nidaamka federaalka ee ka tisqaadey geyiga Soomaaliya, kaasoo Puntland ay hirgelintiisu door weyn ku lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM