Doorashada Kursi kamid ah BFS oo ka dhacaysa Jowhar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar, ee xarunta KMG ee maamulka HirShabeelle ay ka dhacdo doorashada Kursi kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaran Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Kursiga Beesha Xawaadle ay u tartamayaan Lix musharax oo kale ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Cali Cabdullaahi Cosoble, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.

Musharxiinta Sanbaloolshe, Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya [NISA] iyo Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu cad-cad doorashada Kursigan Gollaha Shacabka ee loo qoondeey Jufada Cali Madaxweyne.

Kursigan waxaa markii hore baneeyay Sanbaloolshe bishii April, 2017 markii loo magacaabay Taliyaha Nabad Sugida, xilkaasi oo laga qaadey kadib qaraxii Zoobe.

Amaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay saaka, iyadoo ay ergada doorashada ay ku sugan yihiin hoolka doorashada, oo ah halkii lagu soo doortey Xildhibaanada HirShabeelle.

GAROWE OLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM